Google   

 

 

 

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maammulka Galmudug ayaa  cambaareyn u soo jeediyay shaqsiyaad maamulka Puntland u gacan geliyay dowladda Itoobiya, kuwaasi oo ay ku tilmaameen in ay ka tirsan yihiin Ururka ONLF.

       Hobyonet. Gaalkacyo,  Jimco, May, 02, 2008

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Mudug Aweys Cali Saciid ayaa wax kama jiraan ku tilmamaay qoraal ku soo baxay mid ka mid ah website-yada  puntiland , oo sheegay in dadkaasi  laga soo qabtay Koonfurta magaalada Gaalkacyo .

Qoraalkaasi ayaa waxuu ku tilmaamay Aweys Cali Saciid mid aan xaqiiqo aheyn isla markaan auu aad uga xun yahay dad Soomaaliyeed Puntland ay u gacan geliso dowladda Itoobiya, taasoo ah mid ka baxsan sharciga caalamiga ah.

 Waxuu kusimaha gudoomiyaha Gobolka Mudug Aweys Cali saciid si toos ah u sheegay in maamulka Galmudug uusan raali ka aheyn  talaabadaasi qaldan.

Hadalka Gudoomiyaha aya asoo baxay xilli maamulka Puntiland uu si isadab joog ah u gudbiyay ama u soo qabqabteen dad ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Ururka  ONLF .

C/risaaq Yaasiin  

    Hobyonet

Galkacyo,Galmudug

 yaasiinyare@gmail.com