Google   

 

 

 

 

Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa safaro kala duwan ku soo bixiyay deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobolka Mudug , kuwaasi oo ay ku dhufteen abaaro aad u daran. (Daawo Sawirada).

       Hobyonet. Muqdisho  Isniin, April, 07, 2008

GuddigaGurmadka abaaraha ayaa socdaal ku tagay deegaano badan, oo hoosyimaada dowlad Goboleedka Galmudug State.
 
Deegaanada ay guddigaasi soo booqdeen waxaa ka mid ah: Dagaari, Saddex-higlo, Bandiiradley, Gelinsoor, Saliid, Baraagta, Miircooleed, Ceel muudaan, Dusmaaley, Uubataale, Laguraqsay, Wanakiir iyo Goolalo.
 

Deegaanadaasi ayaa waxaa ku dhuftay abaar saameysay dadka iyo xoolaha, iyadoo xoolo badan la baaba'een biyo la'aan iyo daaqsin la'aan.
 

Deegaanadaasi iyo kuwo kale oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ka baaqday roobabkii, dabadeedna ay ka dhalatay jiilaal xoogan

Sidoo Kale Safarkii Labaad waxaa Guddigu uu ku tagay dhinaca bari ee Magaalada Gaalkacyo ilaa Bitaale.

Waxaa ii suurta gashay in aan Socdaal ku soo maro meelaha a baaraha ba’ani ka jiraan ee Bariga Maagaallada Gaalkacyo ee Xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Dhamaan Tuulooyinka Tuulooyinka,

Docle ,         Doorqoomay,       Carfuuda,         Bitaale ,        Jalable

Higlaale,         Cinjire ,        Malayac,     Qorqora

 

Ilaa iyo laga gaaro Golol waxaa ka jira abaaro aad Ba’an oo saameen balaaran ku yeeshay nolsha dad iyo Duunyaba.

Tuulada Carfuuda waxaa ku nool dad qiyaastii ku dhow 130 qoos oo isugu jira dad ka soo qaxay dagaaladii ka dhacay magaallada muqdisho iyo dadkii horay ugu noolaa tuuladaas oo gurya hoodii qoxooti ku noqday.

"Bitaale waxaa ku nool 400 oo qoos oo isugu jira dadkii horay u dagnaa iyo dad ka soo barakacay Dagaallada ka socda xamar, waxaan maanta ku noolnahay ilaahay baa’og oo aan ka aheen niyaha ceelka Matoorka" sidaasna waxaa yiri, Nabadoon Axmed Kulmiye Cabdulle oo ka mid ah duqeyda Bitaale.

Cilmi shire Guure, waa Matooriistaha ceelka biyaha ee Bitaale waxa uu websitka hobyonet u sheegay in ay magaaladu horay u laheed labo matoor biyood Mid waxaa ugu danbeesay Burburkii dowladii hore midka kale waa uu shaqeenayaa waxaa ku tiirsan nolasha kumanaan qof oo ku nool bitaale iyo tuulooyinka ku dhowdhow, matoorku waa uu duqoobay bamka biyuhu waa liitaa, beebka sidoo kale hanta biyaha waa ay qaraxsantahay iyada oo duqooday 1986dii ayaa la saaray iyada oo ay dhistay dowlada sucuudiga.

"Golol waxay u jirtaa bitaale 180 km Gaalkacyana waa ay ka fogtahay, waxaan ka codaneenaa Cidkasta oo gacan ka geesna karta Dayactirka maroorka iyo haantii weenayd in ay sidagdag ah wax uga qabtaan",sidaasna waxaa yiri matooristaha Bitaale Cilmi Shire Guura .

Dirshe Maxamuud Cilmi, waa mid ka mid ah ah waxgaradka Tuulooyin afar ah oo kala ah Jilable, Higlaale , Cinjire Iyo malayac waxaan kula kulanay Bitaale waxa uu inoo sheegay in uu soo kacay in uu qeelo dhaan Gaarsiiyo Magaallada Gaalkacy daka ku nool afartaas tuulo beerka ay dhulka ku hayaan Magaari karaan bitaale iyo Golol Daruufta ayaa meesha ku heshay tabat ay ku dhaqdhaqaan malahn

Ugudanbeentii, dhamaan tuulooyinkaas iyo Degaano farabadan oo Uu Gudiga Gurmadka abaaraha uu kormeer ku soo maray daka ku nool maheestaan biyo, Cuno iyo Daawo waxbarshana warkeeda iskadaa waxa ay ka codsanayaan dhamaan walaalaha Muslimiinta ah, shacabka Galmudug State Dal iyo dibedba iyo Hey’addaha Calaamka Kuwa ka shaqeeya Xaaladaha bini’aadannimo in ay si dag dag ula soo garn Gurmad dhab ah Abaartaas ka dhalatay Roobab yari ka jirta deegaanadaas labadii sano ay ugi danbeesay.

C/risaaq yaasiin Maxamed

Hobyonet,

Gaalkacyo, Galmudug State.

yaasiinyare@gmail.com

 hobyonet@gmail.com