Hey’ada Aragti Relief Development Organization ayaa maanta gaarsiisay biyo qeybin deegaanada Qooraseen iyo Keydar Ijaabo oo magaalada Gaalkacyo qiyaastii u jira 20 KM.
Hobyonet. Muqdisho Arbaco, April, 16, 2008
Biyo qeybintaasi ayaa waxaa fuliyay guddi ka tirsan Hey’ada wadaniga ah ee Aragti Relief Development Organization , uuna horkacayay Wakiilka Hey’ada ee gobolka Mudug Sh. Muxidiin Sh. Yuusuf Bare.
Biyo qeybintaasi ayaa ku soo beegantay xilli abaar iyo biyo la’aan ay ka dhacday deegaano badan oo hoosyimaado Galmudug State iyo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Hey’adan wadaniga ah waxey biyo qeybin ka wadaa deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyadoo Wakiilo ka socda hey’adaan ay goobahaasi ku sugan yihiin.
Dadka Soomaaliyeed ayaa mudooyinkaan dambe waday barnaamijyo ay ku taageerayaan dadka walaalahood ah oo ay ku habsatay biyo la’aanta iyo abaaraha, iyadoo aysan xilligaan jirin wax hey’ado caalami ah oo gacan ka geysta dhibaatooyinkaan abaareed marka laga reebo hey’adda ICRC.
C/risaaq Yaasiin
Hobyonet
Galkacyo, Galmudug