Google   

 

 

 

 

Kaddib weeraro xalay lagu qaaday fariisimaha ciidamada Itoobiya gaar ahaan Warshadii hore ee Baasatada ayaa waxa ay bilaabeen saakay aroortii in ay sameeyaan baaritaano.

       Hobyonet. Muqdisho  Isniin, April, 28, 2008

 Ciidamada fariisinka ku leh Warshadii hore ee Baastada ayaa howlgalo ka sameeyay xaafadaha gubta ee u dhow Warshadii hore ee Baastada.

Ciidamada Itoobiya ayaa dib u soo laabtay goor dambe oo barqadii, iyagoo aan ku guuleysan in ay soo qabtaan hub iyo dad ay doonayeen.

Sidoo kale howlagalka ciidamadaasi oo u muuqday inuu jawaab u ahaa weerar xalay lagu soo qaaday Saldhigyada Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo loo adeegsaday in lala beegsado hoobiyeyaal xarunta Warshada Baastada oo ay degan yihiin.

Weeraradii xalay lagu qaaday  ayaanu weli la xaqiijin qasaaraha ka soo gaaray Ciidamada Itoobiya haseyeeshee waxaa lagu tilmaamay kuwii ugu xumaa ee lagu qaado mudooyinkaan dambe

 

 

Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com