Google   

 

 

 

 

Ciidamo taabacsan Maxkamadihii Islaamka oo dhawaan qabsaday Magaalada Jowhar ayaa dilay kooxo burcad ah oo wadooyinka dhac ugu geesta gawaarida iyo rakaabka.

       Hobyonet. Muqdisho  Isniin, April, 27, 2008

Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa xalay ku dilay magaalada Jowhar kooxo hubeysan oo lagu eedeeyay falal burcadnimo ah.

Ciidamadaasi ayaa dilay ilaa 3 nin oo hubeysan kaddib markii ay rasaas isku weydaarsadeen meel u dhow Airport-ka magaalada Jowhar.

Howl galka ciidamadaas ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay kaddib markii kooxdaasi burcada ah ay wadada ku xabadeeyeen gaari rakaab ah oo ku soo jeeday deegaanka Mahadaay, kaasoo shalay uu ku geeriyooday hal qof.

 Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com