Google   

 

 

 

 

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, tiro kalana waxaa ka soo gaaray dhaawacm kaddib  Dagaal ka dhacay shalay gelinkii dambe  tuulooyin hoosyimaado Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

       Hobyonet. Muqdisho  Talaado, April, 28, 2008

 

Dagaalakaasi oo dhexmray labo beeleed oo deegaankaasi wda dego ayaa waxaa uu sababay dhimashada ilaa 10 qof iyo dhaawaca in ka badan 15 qof oo kale.

Warar dheeraad ah ayaa xaqiijinaya in labo Tuulo, oo ay kala degaan labdaasi beeleed la gubay , iyadoo dagaalkaasi uu joogsaday xalay isla markaana dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay ay weli is horfadhiyaan , ayna suurta gal tahay in markale dagaal ka dhex qarxo.

Dagaalkaasi ayaa  ka dhashay muran xaga biyaha iyo daaqsinka ah sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal , waaana taasi arrinta dhalisa dagaalada ka dhaca deegaanada miyiga , kuwaasi oo galaafta dad badan oo rayid ah iyo maleeshiyada qabiilka ee dagaalka isaga soo horjeeda.

Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com