Google   

 

 

 

 

3 qof ayaa ku dhaawacmay qarax Bam , oo lagu tuuray Isgoyska Siinaay, degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho xilli ciidamada ay ku mashquulsanaayeen lacago ay ka qaadayeen gaadiidka dadweynaha .

       Hobyonet. Muqdisho  Isniin, April, 28, 2008

 Qarax bam gacmeed ayaa ka dhacay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho xilligaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

3-da qof ee dhaawacmay ayaa midkood waxuu ka tirsanaa ciidamada dowladda, halka labada kalana la xaqiijiyay in ay yihiin caruur goobtaasi ka dhaweed.

Qaraxa ayaa waxaa loo tuuray dhanka ciidamada, oo xiligaasi ku mashquulsanaa lacago ay ka qaadayeen gaadiidka dadweynaha ee isticmaala Isgoyska Siinaay.

Goob jooge ayaa sheegay in caruurta ku dhaawcntay loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, waxuuna cadeeyay in askariga dhaawacmay uu soo gaaray dhaawac fudud.

 Gootaasi ayaa waxaa soo gaaray ciidamo fara badan oo bilaabay in ay baaritaan ku sameeyaan Wadada iyo xafaadha u dho dhow.  taasoo sababtay in isku socodkii gaadiidka wadada uu xayirmo in muddo ah.

 

Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com