Kooxo hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah, gudaha degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.
Hobyonet. Muqdisho Talaado, April, 28, 2008
goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in falkaasi dilka ah uu ka dhacay xaafadda Nasiib Buundo ee degmadaasi, iyadoo kooxihii falkaasi ka dambeeyay la sheegay in Bastoolado ay ku hubeysnaayeen.
Falkaasi ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamo kale oo ka tirsan Askarta dowladda KMG ah, isla markaana halkaasi waxay ka bilaabeen dhaq dhaqaaq baaritaano ah.
Ma'ahan markii ugu horeysay oo kooxo hubeysan toogasho ay ku dilaan qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada Booliska dowladda KMG ah, gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka
Maslah Osman
Hobyonet