Qarax miino ayaa saakay lagu qaaday gaari boyad oo ay lee yihiin ciidamada Itoobiyaanka ee fariisinka ku leh Magaaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Hobyonet. Muqdisho Arbaco, April, 29, 2008
Qaraxaasi ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa Miino meel fog laga hagayay oo dhulka lagu aasay, taasoo lala beegsaday gaari booyad ah oo ay wateen ciidamada Itoobiy, iyadoo la shaaciyay in uu ku geeriyooday Askari Itoobiyaan ah isla markaana uu mid kale ku dhaawacmay.
Qaraxa kaddib , ciidamadii Itoobiyaanka ayaa waxaa ay fureen rasaas fara badan waxaana goob joogayaal ay sheegeen in ay ku geeriyoodeen in ka badan 10 qof, oo rayid ah.
Sidoo kale, Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa la gaarsiiayay dhaawacyo fara badan oo laga soo qaaday goobta qaraxa ka dhacay , waxaana la sheegay oo kale in goobtaasi yaaleen in cabaar ah dad waxyeelo ay ka soo gaartay rasaasta, oo aan weli la soo qaadin.
Maslah Osman
Hobyonet