Google   

 

 

 

 

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada B/weyne Taliyihii ciidamada Militeriga Gobolka Hiraan G/sare C/laahi Faarax Juuni xilli uu ku sugnaa guriigisa.

       Hobyonet. Muqdisho  Arbaco, April, 29, 2008

Allaha u naxariistee , Marxuum C/laahi Faarax, oo ahaa taliyihii ciidamada xooga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa waxuu ka mdi ahaa saraakiisha dowladda eek u haray gobolka  markii maamulkii iyo ciidamada Itoobiya ee halkaasi isaga baxeen.

Xiliga dilka loo geestay taliyaha ayaa waxuu hurdayay gurigiisa, isagoo lala dhacay rasaas fara badan. Waxaa kaloo la dhaawacay mid ka mid ah ilaaladiisa oo guriga ku sugnaa.

Sidoo kale, goobta dilkaasi uu ka dhacay waxaa laga maqlay qaraxyada 3 bam gacmeed oo ay adeegsadeen kooxaha dilka geestay.

Dilkaan ayaa waxuu noqonayaa midkii afaraad oo loo geestay saraakiisha ciidamada ee gobolkaasi Hiiraan.

 

Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com