Google   

 

 

 

 

Dadweynaha Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug State ayaa cambaareeyay falkii ciidamada Itoobiya loogu gacan geliyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

       Hobyonet. Muqdisho  Sabti, May, 03, 2008

Culimada iyo Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday in falkaais ay fuliyeen ciidamada Puntiland oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya.

Waxgaradka iyo maamulka Galmudug aya asi wada jir ah ugu baaqay Puntiland iyo  Itoobiya in ay ka waantobaan ugaarsiga lagu hayo dadka Soomaaliyeed qaarkood, iyadoo lagu mar marsiyoodo la dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale waxaa cambaareeyay koxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka , oo u soo jeediyay caalamka in lagula xisaabtamo dadka Soomaaliyeed ee gacanta ugu jira Itoobiya .

Maahan markii uguhoreysay oo ciidamada Itoobiya howlgalo ka fuliyeen gudaha maamul goboleedka Puntiland, waxaana mar hore ay dad ka soo qabqabteen Garoowe iyo Boosaaso.

 

 

C/risaaq Yaasiin  

    Hobyonet

Gaalkacyo, Galmudug

 yaasiinyare@gmail.com