Google   

 

 

 

 

Duqeynta Mareykanka uu ka geestay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu tilmaamay in ay carqaladeyn karto wadahadaladii bilowga ahaa ee u dhexeeyay xukuumada iyo Isbaheysiga Asmara.

       Hobyonet. Muqdisho  Sabti, May, 03, 2008

Isbaheysiga Dib u xoeynta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay carqalad ku tahay hanaanka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed duqeynta Mareykanka uu ka geesanayo dalka Soomalaiya.

Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa sheegay in ay ka fiirsanayaan ka qeyb galka shirka dalka Jabuuti ee lagu waday in ay ku wada hadlaan xukuumada iyo Isbahesiga Asmara.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed , gudoomiyaha Isbaheysiga, ayaa tilmaamay in ay ka fiirsanayaan ka qeyb galka wadahadalo bisha May 10 keeda dhexmari lahaa labadaasi dhinac.,

Gudomiyaha ,waxuu ku eedeeyay Mareykanka in uu faragelinayo dadaalka  dib u heshiisiinta ee uu wado ergeyga Q.M u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Arrimahaan aya asoo baxay kaddib markii Mareykanka uu duqeyn ka geestay Magaalada Dhuusamareeb , halkaasi oo uu ku dilay hogaamiyihii Alshabaab, Aadan Xaashi Ceyrow iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Ururkaasi.

Waxaa kaloo ku geeroyooday 24 qof oo qaarkood deris la ahaa gurigaasi la duqeeyay  sida ay sheegeen dad goob joogayaal. ah.

Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com