Magaalada Baydhabo ayaa Waxaa Maanta ka soconaya Mooshin ay Waadaan Qaar Ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka oo ka dhan ah Ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde).
Hobyonet. Muqdisho Khamiis, May, 08, 2008
Maalmo kaddib Markii Ra’isal wasaare Nuur Cadde uu hor yimid Baarlamanka kana jawaabay Su’aalo Mudanayaasha Barlamanka ay Waydiiyeen ayaa maanta waxaa Ka Socanaya Magaalada baydhabo oo xarun u ah Barlamanka Mooshin Ka dhan ah Xukuumadiisa oo ay Wadaan qaar Ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka DkMG Somalia.
Kulamo Gaar gaar ah iyo Wada Tashiyo looga Arinsanayo ayaha Xukuumada Ra’iisul wasaare Nuur cadde halka ay Ku danbayn doonto ayaa Maal Mahan Waxaa Mudanayaasha Baarlamanka intooda Badan ay Ku Leeyihiin Hoteelada iyo Goobaha Shirarka ee magaalada Baydhabo.
Qaar ka mid ah Mudanayaasha Barlamaanka ayaa Sheegay in ay haatan Diyaarinayan Mooshin Xilka Looga Qaadayo Wasiirka 1aad ee Dowalada KMGS.
Xubnaha Ugu Fir fir Coon ee Diyaarinaya Mooshinka Ka dhanka ah Xukuumada Ra’iisul wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa ka mid ah Xildhabaan Cali Cabdulaahi Cosoble Siyaad oo xukuumadii Cali Maxamed Geedi Xilal fara badan Ka soo qabtay.
“Xaq ayeey u leeyihiin Mudanayaasha Baarlamaanka in ay diidaan Xukuumada Nuur Cadde waayo waa ay arkeen Wax qabadka Ra’isul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa” ayuu Yiri Xildhibaan Cali Cabdullaahi Cosoble.
Ra’isul Wasaare Nuur Cadde ayaa Mudanayaasha intooda Badan Waxaa ay ku dhaliilayaan waxqabadkii xukuumadiisa iyo weliba qaabkii uu uga jawaabay Su’aalihii ay weeydiiyeen xubnaha qaar ee Mudanayaasha Baarlamaanka taasi oo meesha ka saareeysa kalsoonida ay xukuumada Nuur Cadde ay ka heleeyso Baarlamaanka
Maslah Osman
Hobyonet