Google   

 

 

 

 

Qeybo kala duwan oo ka mid ah xaafadaha iyo Suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa ka bilowday dibadbaxyo lagaga cabanayo kala saaridda iyo diidista Lacagaha Kunka Shilin.

       Hobyonet. Muqdisho  Isniin, May, 05, 2008

Goobaha dibadbaxyada saakay ay ka dhaceen waxaa ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaasoo lagu arkayo dad weyne aad u fara badan, isla markaana dibadbaxyo dhigaya, iyadoo gabi ahaan albaabada loo wada laabay goobihii ganacsiga ee Suuqa.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay isugu jiraan ganacsato iyo dad weyne kale, kuwaasi oo ku qeylinaya ereyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin qiima dhaca ku yimid isticmaalka Lacagaha Kunka Shilin ee Soomaaliga ah.

Dibadbaxyo kuwan la mid ah saaka waxaa ay ka soconayaan xaafado hoostaga deegaanka Madiina, Suuq Bacaad degmooyinka X/weyne, X/jajab iyo waliba qeybo ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho.

Tirada dadka banaanbaxay ayaa lagu qiyaasay boqolaal qof , oo wajiyadooda ka muuqato sida ay uga xun yihiin Sicir bararka iyo lacagaha la kala soocayo.

Si kastaba, dibadbaxyadan waxaa ay qeyb ka yihiin cambaareyn iyo cabasho soo noq noqday oo hore ay u soo jeediyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com