Ergeyga Q.M u qaabilsan arrimaha dalka Soomalaiya ayaa la qaatay wadahadal , Males Zanawi, kaasoo ku saabsan xal u helida xaalada dalka Soomaaliya, oo cirka isku sii toshay kaddib imaanshihii Ciidamada Itoobiya.
Hobyonet. Muqdisho Isniin, May, 05, 2008
Ergeyga Q.M u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa wada hadal kala yeeshay Ra'isalwasaraaha Itoobiya Males Zanawi, iyagoo si gaar ah uga wada hadlay shirka la filayo inuu ka dhaco dalka Jabuuti, kaasoo ay wada yeelanayaan dowladda iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed.
Kulankaasi waxaa kaloo si guud looga wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo dagaalada ka socda oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Ergeyga Q.M ayaa sheegay inuu u soo jeediyay xukuumada Itoobiya in ay ka qeyb qaadato dadaalka dib u heshiisiinta Soomaalida, waxuuna sheegay in arrintaasi uu ka aqbalay Zanawi.
Lama xaqiijin karo qabsoomida shirkaasi Jabuuti , waxaana lagu eedeeyay in carqaladeyn uu ku hayo Mareykanka kaddib markii uu duqeeyay magaalada Dhuusamareeb halkaasi oo duqeyntu ku dishay hogaamiyihii Ururka Alshabaab Aadan Xaashi Ceyrow.
Warar kale oo dheeraad ah oo ka soo baxay Maxkamadaha Islaamka ayaa ku tilmaamay in duqeyntaasi ay dib u dhac ku tahay wadahadalada u dhexeeya Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed iyo xukuumada ra'isalwasaare Nuur Cadde.
Maslah Osman
Hobyonet