Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamadii Itobiyaanka ee halkaasi shalay gaaray e markale dib uga soo baxeen.
Hobyonet. Muqdisho Isniin, May, 05, 2008
Ciidamada Itoobiyanaka oo watay gawaari dagaalka oo aad fara badan ayaa la xaqiijiyay xalay in ay ka so baxeen fariisimo ay ka sameysteen magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.
Saakay ayaa dadweynaha waxa ay ku waabariisteen , iyadoo ay faaruq yihiin goobihii Ciidamada Itoobiya saldhigyada ka dhigteen.
Warar dheeraad ah ayaa xaqiijinaya in ciidamadaasi ay u soo dhaqaaqeen dhanka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo gaarayay ilaa 10 baabuurta Ural-ka ah iyo qoryo madaafiic ah oo qaarkood jiidayeen.
Mudadii ay halkaasi joogeen ayaa aysan la kulmin wax adagaal ah ciidamada, waxeyna kulan la qaateen shalay qar ka mid ah odayaasha deegaanka, kuwaasi oo ka wada hadlay xaalada magaalada Jowhar iyo isbedelada ku yimid mudooyinkaan dambe.
ka hor inta halkaasi ay gaarin ciidamadaasi ayaa waxaa ka talinayay maamulka Maxkamadaha oo magaaladaasi dhowr jeer kala wareegay maamulkii dowladda KMG ah, kuwaasi oo isaga soo baxay kaddib markii culeys uu soo foodsaaray.
Si kastaba ha ahaatee dadka deegaanka aya asoo dhaweeyay ka bixitaanka ciidamadaasi ee magaalada Jowhar, iyagoo ka cabsi qabay in lagu dul dagaalamo isla markaana ay ciidamada Itoobiya u geestaan xasuuq .
Maslah Osman
Hobyonet