Google   

 

 

 

 

Dowlada Kenya ayaa xirtay isla markaana Ciidamo fara badan ku soo daadisay Xuduuda ay Kenya la wadaagto Gobolka Gedo ee Dalka Somalia.

       Hobyonet. Muqdisho  Khamiis, May, 08, 2008

Wararka laga helay Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in Si weyn loo adkeeyay isla markaana la xiray Xadka Ay Kenya la wadaagto dalka Somalia gaar ahaan Dhanka Gobolka Gedo halkaasi oo la soo dhigay ciidamo aad u fara badan oo bilaabay Baritaano ay ku sameeynayaan Dadka Xadka ka Talaabaya.

Boqaalaal Ciidamo oo ah kuwa ilaaliya xadka ayaa la soo dhoobay Xadka u dhexeeya magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera kuwaasi oo su’aalo weydiinaya dadka maalin kasta u talaabaya gudaha dalka Kenya.

Caasho Sowd Cumar oo ka mid ah ururada Bulshada Rayidka ah ee ka dhisan Baladxaawo  ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ee ku sugan Xadka ay dadka weydiinayaan halka ay ka yimaadeen iyo waxa ay Kenya ka doonayaan iyo weliba in ay soo arkeen Xubno ka mid ah ururka Al shabaab.

Adkeynta ciidamada Dalka Kenya ee Xadka Somalia la wadaagaan ayaa ka danbeeyay kadib markii ay falaal aman dari ah ku soo koradhay xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya

Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com