Google   

 

 

 

 

Imtixaanka shahaadada dugsiga dhaxe ee AlSHACAB iyo islamarkaas xaflad lagu furayay ayaa ka dhacday Xarunta  Dugsiga sare h/dhaxe AlSHACAB, Magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

       Hobyonet. Muqdisho  Talaado, May, 06, 2008

Munaasabadaas lagu bilaawayay Imtixaanka shahaadada Dugsiga dhaxe ayaa shalay subax ka dhacday Dugsiga h/dhaxe sare ee Alshacab iyada oo ay ka soo qeebgaleen qaar ka tirsan bulshada magaalada Gaalkacyo” sida,  waalidiinta, ardayda, macalimiinta, Aqoonyahanada, ganacsatada iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Uguhoreentii, waxaa munaasabadaas khudbad qiimo leh ka soo jeediyay Sh. Cabdullahi . M. C/rixman oo aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay waxbarashadu iyo faa’idadeeda isaga oo ku baraarujiyay  waalidiinta, ardayda iyo ka soo qaybgalayaashii munaasabadaas in waxlabarto laguna dadaalo dalbida cilmiga oo waa jib ku ah qofkasta oo muslim ah.

 Sida oo kale maamulaha dugsiga Alshacab Axmed Aadan Cabdulle oo xafladaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay marxaladihii  kala duwanaa ee uu soo maray dugsiga tan iyo markii la furay oo ay ka soo wareegtay muddo sanad dugsiyeed ah.

Waxa uuna yiri, “ waxa uu  dugsigu ka sameesmay daraasad ay sameeyeen aqoonyahano ka soo jeeda gobalka  bishii may 2007 islasanadkaas bishuu June waxaa ladhigay xaflad furitaanka dugsiga iyada oo ay daraasadu bilaabatay bishii July 2007 kii.

19 June 2007 waxaa la dhagax dhigay dhismo labo dabaq ah oo uu dugsigu lee yahay waxaana dhagax dhigay kusimaha madaxweenaga galmudu C/samad Nuur iyo Dr. C/risaq Axmed Dalmar”.

 Maamuluhu waxaa kale oo uu mahad celin u jeediy Jumciyadda samafalka ee Imam-Nawawi oo dhulka laga dhisayo dhismaha dugsiga bixisay iyo hey’adda Himilo International oo gacan ka geesatay dhismaha dugsiga..

Waxaa imtixaanka shahaadada Dugsiga dhaxe ee Alshacab U fadhiisatay 55 arday oo isugu jitrta arday caadi u soo dhigatay fasaladooda iyo kuwo koorso degdeg ah oo waxbaradhada dadka waa wayn soo qaatay (Intensive Course), waxay ardayda loo qaybiyay Roll No. ay ku fadhiisanayaan Imtixaanka shahaadada Dugsiga dhaxe iyada oo ardayda dugsiga Alshacab ay qaybka yihiin Imtixaanaadka Hey’adda FPENS ( Formal Private Network Education in Somalia) oo ah hey’ad wadani ah oo iska xilsaartay mideenta Manaahijta iyo Imtixaanaadka Dugsiyo farabdan oo ku yaala dhamaan wadanka soomaaliya lagana ictiraafsan yahay, waxayna gacan wayn ka qaadatay tobabarka macalimiinta dugsiga Alshacab.

Dhanka kale, Sh. C/qadir M. Max’ud  Sh. Nuur oo ah Maamulaha Jumciyada Imaam-Nawawi ayaa ka warbixiyay waxqabadka Jumciyada tan iyo markii la’aas aasay 1993 hoolihii samafalka ahaa ay ka qabatay Gobalka sida daryeelida Agoonta oo ay ka hirgalisay Magaalada Gaalkacyo iyo Muqdisho, dhanka waxbarshada waxay jumciyadu ka furtay magaalada gaalkacyo dugsigii ugu horeeyay ee laga hirgaliyo koofurta magaalada Gaalkacyo.

 

Martisharafkii halkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa  Maxamed Cilmi Sabria Iyo Axmed Maxamed Xasan Baasto oo labaduba ka hadlay isbedalka fiican ee waxbarshada Gobalka ku yimid Gobalka Marka loo fiiriyo xiliyadii hore ee ay soomartay magaalladu, waxayna ku dhiiri galiyeen in ay macallimiita iyo Maamulka dugsigu’ ay labalaabaan dadaalkooda.

 

Ugudanbayntii, Macalin C/Karin M. C/rixman oo kamid ah Mu’asasiinta Dugsiga Alshacab ayaa isaguna halkaas kaga warbixiyay qaabka waxbarasho ee iskuulka iyo nadaamka imtaxaanku u dhacyo.

C/risaaq Yaasiin

    Hobyonet

Gaalkacyo, Galmudug

 yaasiinyare@gmail.com