Xaflad balaaran oo lagu maamuusayay soo dhaweenta Gudoomiyaha Cusub Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Dowladaas ee Magaallada Gaalkacyo.
Hobyonet. Muqdisho Talaado, May, 06, 2008
Xaflaads oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay. “ Golayaasha wasiiradda iyo Xildhibaanadda Baarlamaanka Galmudug, Culimaa’udiinka. Odayaasha dhaqanka ( Guurtida Galmudu), Aqoonyahanka, haweenka ,dhalinyarada, bulshada rayidka ah iyo waxgaradkale.
Waxaa Xafladaas Lagu caleemo saarayay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka galmudug Maxamed Salaad Ducaale, uguhoreentii ka hadlay, Sh.Colow Dulyar Iyo Sh. Muxiyadiin Yuusuf, oo halkaas ka soo jeediyay kalmado baraarujin ah iyo xilka oo laqaada in ay culeesbadan tahay.
M. Salaad Ducaale Gudoomiyaha Cusub ee Baarlanaaka Galmudug ay u doorteen dhawaan xildhibaanadda baarlamaanka ayaa halkaas khudbad ka soo jeediyay asaga oo halkaas mahad celin uga soo jeediyay xildhibaanada iyo Ka soo qaybgalayaasha xafladaas, waxa uuna sheegay M. Salad Ducaale in uu si cadaalad ah ugu shaqeen doono xilka adga ee shacbka uu u qaaday.
Munaasabadaas Dadkii khudbadaha qiimiga badnaa ka soo jeediyay waxaa ka mid ahaa.
Wasiirka Qorshaynta iyo maaliyadda Galmudug A.Daahir C/kariin
Nabadoon cismaan Nuur Qayd
Nabadoon Maxamed Guuleed Geesay
Garsoorka Macalin Aadan
G/kuxigeenka gudiga dhaqaalaha Ilkacase
G/kuxigeenka C/laalhi Digsi
Dhamaan mas’uuliyiintaas iyo kuwo kale oo munaasabadaas ka hadlay waxay hanbalyo u soo jeediyaan Dhamaan Shacabka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaga oo Gudoomiyaha Cusub M. Salaad Ducaale kula dardaarmay in uu xilka loo dhiibay uu ilaah lagarab galo.
C/risaaq Yaasiin
Hobyonet
Gaalkacyo, Galmudug