|

Amiin Caamir oo looga guuleystay tartanka sawir gacmeedyada qaaradda africa + (sawiro yaab leh)

Nairobi-hobyonet) Farshaxaniistaha caanka ka ah dalkeena soomaliya iyo qaradda africa Amin Amir ayaa looga guuleystey tartan dhinaca sawirgacmeedyada qaaradda africa oo ka dhacay caasimadda kenya ee nairobi.

Tartankan oo uu kaalinta labaad ka galay Amin Arts waxaa lagu qabtay xarunta dhinaca farshaxanada ee The Go-Down Arts Center oo ku taala magaalada nairobi, waxaana ka qeyb galay ku dhowaad 200 oo farshaxaniiste oo ka kala socotay qaaradda africa, ayna qeyb ka ahaayeen farshaxaniistayaal u dhashey soomaliya.

Kaalinta koowaad ee tartanka oo lagu bixiyey abaal marin gaaraysa $3,000 waxaa galay farshaxamiiste lagu magacaabo Alphonce K. Amondi oo u dhashey dalka Kenya, halka Amiin Caamir oo somalia ka socdeyna uu galay kaalinta 2-aad isagoo helay kala bar lacagta kaalinta koowaad oo dhan $1,500.

Tartanka ayaa waxaa soo agaasimey Urur dhinaca farshaxanka u qaabilsan bariga africa oo la yiraahdo KATUNI.

Sababta looga guuleystey Farshaxamistaha caanka ah ee soomaliyeed ayaa lagu sheegey In Kenyanku u soo bandhigey Sawir uu ku muujiyey dhaqamada ururka al-shabaab ee ka dagaalama soomaliya, halka amina uu muujiyey in siyaasiyinta soomalida ay lacagta doolarka ka doorbideen dalka iyo calankoodii.

Amiin Arts ayaa suxufi dhinaca sawir gacmeedyada ku soo bandhiga dhibaatada iyo dhacdooyinka guud ahaan dalka soomaliya, waxaana uu sawiro tusaalooyin muujinaya ku soo bandhigaa bogiisa uu ugu magac darey AminArts.com.

Daawo Qaar ka mid ah sawir gacmedyadiisa.




””

Recent Comments

    Comments are closed