WAX BAA IDINKA KHALDANE WAXGALKIINA WANAAJA…! (Qalinkii Maxamed Xaaji)
Gothenburg-hobyonet)Waxaan maanta soo baxay erayo eed iyo dhaliil ah oo loo jeedinayo gudoonka gobolka Banaadir Md Maxamed Axmed Nuur (Tarzan) oo lagu tilmaami karo raga fara ku tiriska ah ee xilkooda si uun uga soo dhalaalay iyo hogaankii ugu macquulsanaa ee mudo 21 sanadood ah uu yeesho gobolka Banaadir.
Hadii uu Tarzan sidaa u hadlay dabcan maaha erayo soo jiidasho leh weliba marka la eego inuu yahay isla ninkii xil ka saarnaa nadaafada iyo faya dhoowrka gobolka Banaadir laakiin waa in wax la xeeriyaa oo erayadaa miisaan lala saaraa waxyaabaha faraha badan ee uu isla gobolka u qabtay waayo mar kasta ficilka iyo qoowlka waxaa culeys badan ficilka…..Waxaa intaa dheer Tarzan gobolka ayuu ku dhashay oo cid uga turjumi kartaa majirto nidaam ahaan.
Waxaa kasii horreeyey safiirka SOOMAALIDA u fadhiya dalka KENYA Maxamed Cali (Ameeriko) oo maalmo dhoweyd xilkiisa lagu xogxoganayay iyadoo sida ay qireen SOOMAAALIDU uu ninkaasi yahay dadka yar ee ka mid ah raga ka shaqeeya arimaha diblomaasiyadda dibada ee wax qabtay marka loo eego safiirrada danahood-u-safiirka ah ee ku shaqeeya halku dhega ‘II CANTOOBI’ oo sida ay qirayaan isla Soomaalidu ay kujiraan kuwa haatan xilkiisa usoo xayd xaytey.
Waxaa kasii horeeyey Ra’iisul Wasaarihii la wada jeclaa ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ilaa iyo maalintii uu xilka ka degayay ay ka daba heesayeen kuwo dulli ah oo dantoodoo iib ah mooyee aan dadnimo kale ugu jirin siyaasadda Soomaaliya oo noqotay nin iyo boorsadii taasoo ay weliba maanta ku tala jiraan inay usii gacan banaanaadaan si ay usii gacma gacmeeyaan….WAAWAREEY waaba AF DHURWAA HILBO KU WARO.
Waxaan sheekadan qorayaa anigoo jirran laakiin waxba uma arko jiradeeyda waayo dalkan aad u jeedaan rag baa u dhintay, u dhibtooday, u dhaawacmay, u dheeraaday, u dhug beelay ama gacan nacab ugu dhacay marka wax wayn maaha inaan anna dhankeeyga wax uun ku tabarruco….WAXA AAD DALKAAGA U QABAN KARTAA KA WAYN WAXA UU DALKAAGU ADIGA KUU QABAN KARO..
Soomaaliyeey khilaafka iyo dhaliisha ujeedkeedu yahay xil raadiska iyo hebel foowdee aan iska dayno, anigu midkoodna ma aqaano ragan aan meeshan ku xusay, qaraabana lama ihi marka laga soo tago Soomaalinimo oo ah QABIILKA aanu ka wada dhalanay laakiin gartu ALLEEY taqaannaa.
Waa ceeb in niman aan ogahay ay doonayaan inay Soomaaliya iibiyaan iyagoo dadka ku sandulleeynaya danahooda gaarka ah iyo QABYAALAD noqotay wax lagu sidko oo sidii daroogadii sanka loo mariyo dadka Soomaaliyeed oo qaarkood ay sidii daroogadii ugu mirqaamaan marka hadii xayntaasina soo malabsaneyso dadka yar ee waxgalka ahna aanu ka lulanno halkee u soconnaa…?
Gudoonka gobolka Banaadir wuxuu MUQDISHO ka qabtay way runtii ka balaaran yihiin waxa ay qabatey guud ahaan xukuumadda dhexe gaar ahaan golaha wasiirada oo tan iyo xilligii Farmaajo ka dambeeyey FADHIID ahaa iskuna soo sawira wax qabadka gobolka taasoo muujineysa qarada waxqabadka gudoonmiyaha gobolka iyo maamulkiisa.
Tan kale gudoonku wuu khaldami karaa oo anigu waa malaa’ig malihi laakiin goorma ayaan baran doonaa inaan wararka isu marino HILINO SAAXI ah (Proper channels) mar kasta waxaan arkaa in laba nin oo hadii ay doonaan isku meel degani ay warbaahinta isu mariyaan hadallo MERGI ah oo aan micna badneeyn oo FADHI KU DIRIR ah markaasoo ay kugu adkaaneyso inaad kala saarto farqiga u dhexeeya SIYAASIGEENNA maanta iyo yaanyoleeyda caadiga ah ee SOOMAALIYEED…Waan hubaayoo iyagaaba ka micna badan (Tusaale waxaa inoogu filan arintii ugu dambeysey ee aqoonsiga KHAATUMO STATE oo sidii Tennis-kii gacan iyo gacan celis ku dhamaatay, Wasiirro waawayn oo DKMG ah ka tirsanina ay cadaysteen inay yihiin dad ilaaliya danaha gobollo gaar ah oo Soomaaliya ka tirsan).
Ugu dambeyntii waxaan soo jeedin lahaa in la ixtiraamo rabitaanka shacabka WALLAAHI, THUMA WALLAAHI ninkii ay la tahay in awood shisheeye iyo imbiraaliyadda reer galbeedku wax ka dhigi doonto waa nin doonaya inuu badda midabeeyo.
Midna haka il duufinina oo xusuusta mahmaahdii Talyaaniga ahayd ee oraneysey ”Chi di spada ferisce di spada perisce” oo la micno ah ”NINKII SEEF JECEL IYADAA SALFATA” iska ilaaliya iibinta danaha umada Soomaaliyeed oo waaba ka inkaarsateene inta goori goor tahay ka duca qaata shacabka IL MADOOWDA ah ee aad UTUNTA ku noqoteen.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan usoo jeedinayaa inaysan ka aamusin dulmiga iyo af jigitaanka MAHIGA oo maanta maraya meel aad uga shisheeysa maqaamka uu Soomaaliya ku joogo….Doorta, u dooda oo u dagaallama danihiina iyo dadka ka shaqeeynaya iskana daaya inaad oday dulli ah oo nolosha idinku duugaya aad qabyaallad ugu doodaan….Shame on you……..’Gaar ahaan reer MUQDISHOOW ka leexda madaxdiinna..!
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-koronto;-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden



Recent Comments