DHIIRANAAN LA´ AANTA GALMUDUG, DHUL BALAARSIGA PUNTLAND, DHOOLATUSKA SIYAASADEED EE SHARIIFKA, MAXAY DHALI DOONTAA
Aragtida-hobyonet)Magaca Alle ayaan ku bilaabayaa Naxariista guud iyo midda gaarka ahba leh
Asalaama calaykum Wa raxmatullaahi wa barakaatuhu
Waxaa la yiri af nooli hadal ma daalo. Gabayaagii weynaa ee Cabdullaahi Suldaan tima cadde ayaa wuxuu gabay ku yiri mar uu Soomaalida sida uu ugu daalay muujinayey.
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye.
Ummad walba waxaa dhibaatada ka saara hogaanka ay hadba yeeshaan, shacabkuna wuxuu taageeraa ama diidaa wixii ay madaxda dalkaasi ama degaankaasi la yimaadan. Horey waxaan u ogeyn in habacsanaan weyni ay ka jirto dawlad goboleedka Galmudug, laakiin marnaba ima soo marin in ay tan oo kale dhacayso, balse waxaa la yiri nin adduunya joogoow maxaa aragti kuu laaban.
Waxaan arkayey Shariif oo dad shacab ah leh iga aqbala inaan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo aan ugu magacdaro marxuum C/llaahi Yuusuf, iyadoo uu Madaxweyne Caalin oo ah madaxa ugu sareeya Dawlad goboleedka Galmudug uu ka soo horjeestay, arintaasi waa arin laga xumaado. waa gaf loogu soo bareeray reer Galmudug, waa godob uu Shariif ka galay reer Galmudug, waana mid laga xisaabtami doono. Waayo wuu og yahay xaalada Gaalkacyo iyo inay kala qaybsan tahay.
Shariif hadduu doonayo in madaxnimo danbe loo doorto ma wuxuu iska dhaadhciyey in haddii uu yeelo wax walba oo reer Puntland waxaad noqonaysaa mar labaad? Umaddii kale ee Soomaaliyeedna wuu iska tuuray, wuxuu ka dhigtay wax aan jirin, waa su´aale ma reer Puntladn ayaa markii hore soo doortay? Sow ma ahayen C/llaahi Yuusuf, Faroole, iyo Gaas raggii shalay la tartamayey? Haddii olole siyasadeed la galayo sidaas looma galo, Umaddu waa isku mid, qof walbaana xaqiisa ayuu ilaashanayaa. Dhul ay qoomiyad xadaarad fog lihi degen tahay olole siyaasadeed laguma bixin karo, mana ahan wax soconaya. Waxaase su´aashu tahay maxaa ku dhacay Madaxdii iyo ragii loo idmaday inay ka war hayaan ama hogaamiyaan siyaasadda Galmudug? Codkii madaxweyne Caalin maqalnay, shanqar kale kama daba yeerin, Shacabkii ma sidaas ayuu ku qancay? Madaxdii ma sheekada ayey wax ka ogeyd? Mise waxaa jiray heshiisyo hoose oo qol mugdi ah lagu wada gaaray (Gnetelman agreement)? La yaab?
Magac in la bixiyaa maxuma Waxaase magaalda Gaalkacyo lagu wada degenaa Heshiis horey u dhacay, oo ay wada gaareen Gen. Maxamed faarax Caydii, iyo Corn. Cabdullaahi Yuusuf, waxaana si ku meel gaar ah u sii hayey reer Puntland, heshiiskuna wuxuu dhigayey in maamul loo wada dhan yahay loo sameeyo magaalada, taasi ma dhicin muddo dheer waxaa iska maamulanayey reer Puntland, qaladkaas dhacay waxaa masuuliyadeeda qaadaya reer Galmudug si kastaba ha ku dhacdee, oo waxaa la doonayey in madaxdii Galmudug ay heshiiskaas dhameystiraan madaama ay maamul dhinac ka jira ay yihiin.
Habacsanaantaasi waxay keentay in reer Puntland ay meeshii cidleystaan oo ay noqdaan sidii ninkii inta geel meel daaqaya u yimid inta qayliyey yiri war yaa geela la joogaaaaaaaaaay? Markuu dhowr jeer ku celceliyey oo uu waayey wax u jawaabana inta istaaqfuruleystay yiri war ileyn anigaa la joogay oo geelii islaameed horey u kaxaytay.
Garoonka Gaalkacyo Airport waa garoon Soomaaliyeed, waaxaa dhisay qaran soomalaiyeed waxaana iska leh qaran Soomaaliyeed, balse wuxuu ku yaalaa degaanka Galmudug, haddii cid maamulayso waxaa xaq u leh inay Galmudug maamusho haddii lagu heshiiyana waxaa macquul ah in laysla wada maamulo Galmudug iyo Puntland. Wixii intaa ka baxsan waa wax aan soconayn oo sidii heshiiska loogu wada degenaa Gaalkacyo ayeysan wax aan heshiis lagu wada aheyn ka soconayn Gaalkacyo.
Madaxweyne Shariif waxaan leeyahay arinkaas ka noqo haddii aadan ka noqon waxaad diyaar u ahaataa inaad masuuliyadeeda qaadi doontid wixii meeshaas ka dhaca, waayo waxaad ku kacday eex, yasmo iyo xaqiraad aad u geysatay bulsha weynta reer Galmudug iyo maamulkeedaba dal iyo dibadba?
Madaxda Galmudug ee goob jooga ahaa oo arintaas wax ka dhihi waayey waxaan ugu baaqayaa inay si deg deg ay iskaga casilaan dhammaan xilalka ay u hayaan Galmudug haddii kale waxaa dhici doonta inay la kulmaan waji gabax siyaasadeed iyo mid shaqsi intaba.
Shacabka reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay arintaas ka dhiidhiyaan oo ay muujiyaan sida ay ugaga xun yihiin mudaharaadyo waaweyna ay ka dhigaan dal iyo dibadba, si ay u muujiyaan codkooda iyo cududooda intaba.
Haddii uu madaxweyne Shariif iyo xulufadiisuba ay ka laaban waayaan xadgudubkaas ay u geysteen reer galmudug muddo koban ka dib waa inay kalsoonida kala laabtaan kooxda uu hogaamiyo Shariif.
Waa in madaxweyen Caalin mar kale shir jaraaid qabtaa muujiyaana inaysan aqbalaynin arinak lala agmaray ee lagu bahdilayo shacweynaha Galmudug iyo maamulkoodaba waayo isagaa ah meeshii u saraysay ee aan laga daba hadli doonin.
Waxaan leeyahay Hanbalyo mudane Caalin waxaa tahay hogaamiye fahamsan dareenka Shacabkiisa uu hogaamiyo, waana kaaga hanbalyeynayaa sida kalsoonida leh ee ad u diiday inaad dharbaaxo quureed qaadatid, waxaana ku leeyahay waaxaan nahay garabkaaga mawqif walba oo aad ku difacayso sharafta iyo karaamada bulshada ad hogaankeeda tahay ee Ku nool Dhulka Galmudug State.
Ugu danbeyn waxaan leeyahay sidaan horay u iri reer Galmudug. Waxaad wax ku noqon kartaan inaad isku duubnaataan, kuwa idinka mida ah ee idinka jira ee dhiigiina jaqayana aad iska dhicisaan. Ogaada wax iinaan iska dhigin cid idinkama dhigayso. Ogaada midnimaa horumar lagu gaaraa. Ogaada cadow waxaa ugu daran midka dhexdiinaa. Ogaada inaad leedihiin dad aqoon leh, karti leh, awoodana inay xaqiina idiin soo dhacshaan ayagoon cidna ku xadgudbeyn. Ogaada inaad xaq u leedihiin inaad talisaan oo aad Soomaaliya ka talisaan, oo inaan dalka siyaasadiisa iyo hgaankiisaba iinaan cidna u hoos tagayn oo aad muwaadiniin xaq Somaaliyeed leh aad tihiin. Ogaada inaad leedihiin dhul, bad, xoolo iyo dhaqaale aad ku horumari kartaan, laakiin ay idinka maqan tahay midnimo, iyo inaad wax isku ogolaataan midkiina xumaanta wadana aad dhinac iska marisaan.
Galmudugeey dhicimeysid
Haddii aad is dhaxashaaan
Sida aabe dhashiis
Gacmaha ay isku dhegtaan
oo
Midka dhuumanayee
Dhawaaqiina baxshee
La dhuhleeya xumaanta
Xanka dhaafi kareyn
Dharaar soo qabataanoo
Dhagax aadyku dishaan
Ama dhoof u dirtaan oo
Dhulka aa ka eridaan
Ama aad xabsi dheer iyo
Godka hoose dhigtaan oo
Dhakafaar ku ridaan.
Oo Sida aabe dhashiis
Gacmaha aad isku dhegtaan.
Reer Puntland waxaan leeyahay yeysan nabadu idinkaga darin, waxaad iska maamulataan hantidii qaranka Soomaaliyeed ka wada dhaxaysay oo aad canshuur ka qaadataan cidina idinkulama xisaabtanto, sida dhaqaalaha dekedda Boosaaso, wadooyinka aad canshuurta ka qaadataan Airoporada aad lacagta bilaa sharciga ah aad ka qaadataa waa la wada ogsoon yahay, hadana qaybtiina Soomali weyn waad heshaan iyo waliba sad bursi dheeraad ah. Intaas inta idin anfici waysay ayaad doonaysaan inaad dekedda Muqdisho dhaqaalaha ka soo baxay aad wax ka qaadataan tan Boosaasana aan la idinkugu imaan. Waa su´aale ma Puntland ayaa dhistay dekadda Boosaaso? Mise waxaa lagu dhisay canshuurtii umadda Soomaaliyeed? Joojiya kula lihi kaa lihida, Waxaad ku socotaan fashil, xaalkuna saan ma sii ahaan doono. Waa sababta aad federaal ugu dhegen tihiin, laakiin Boosaaso waa in dhaqaalaheeda Umadda Soomaaliyeed wada lahaato, sidoo kale garoonka Gaalkacyo,xitaa hadday maamusho Galmudug, waa in la kala bartaa waxaa qaranka dhammaantiis ka wada dhexeeya iyo waxa gaar loo leeyahay, xitaa haddii federal la noqdo kaabayaasha dhaqaalaha waxaa maamulaya dawladda dhexe oo la isku af garto.
Xisbiga Midnimada umadda Soomaaliyeed oo mardhow insha Allaah lagu dhawaaqi doon,wuxuu mar walba u tagaan yahay inuu ilaaliyo cid walba oo laga xaqdaran yahay ama xuquudeeda aasaasigaa lagu xadgudbay.
Xisbiga Midnimo ma jirto cid, ama qabiil, ama degaan uu gooni u neceb yahay, waa ilaaliyaha dulmanayaasha Soomaaliyeed meel walba ha joogaane… Galmudugna waxaan u aragnaa inay ka mid noqotay dulmanaayasha Soomaaliyeed ee lagu xadgudbay.
Waad mahadsan tihiin
Dhammaad, Dhamaad, Dhamaad.
Gudoomiyaha xisbiga Midnimada Soomalaiyeed (Somali United Party SUP).
Ali Hersi Karshe(Ali Kabayare).



Recent Comments