|

Gudoomiyaha Arimaha Diinta ee Turkiga oo kulan la yeeshay Ururka Jaaliyadda Denmark

Copenhagen -hobyonet)Guddoomiyaha Arrimaha Diinta (DIYANET) ee Dawladda Turkiga Prof. Dr. Mehmet Gormez oo booqasho ku yimid Denmark si uu ula kulmo ururrada Muslimiinta ee Denmark si looga wada hadlo arrimaha horumarinta dalalka muslimiinta ee caalamka iyo qaabka ugu haboon ee loo soo celin karo midminadii muslimiinta.

Ururka OFROSOM wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo ururka keliya ee Somalida Denmark shirkaas uga qaybgalay. Prof. Dr. Gorme ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddomiyaha ururka OFROSOM ee Jaaliyadda ee Denmark, kan amid ah aasasayaashii Jaamacadda Mudug, Dr. Yassin Ahmed Osoble iyo Guddomiyaha Jaaliyadda Galmudug Dr. Abdicasis Mohamed H. Fiqi,kana mid aasasayaashii Jaamacadda Mudug iyo Mohamed Abdulqadir Guleed.

Prof. Gormez wuxuu ka shakeeyay mashaariicdii Dawladda Turkiga ka hirgalisay Somalia ayna sii wadi doonaan mashaariicda horumrinta iyo taakuleynta ummadda Somaliyeed oo tabaaleysan. Prof. Gormez wuxuu kaloo ka sheekeeyay tariikhda Somaliyeed ilaa uu soo gaarsiiyay magaca Muqdisho oo uu yiri waxay ka timid ”Maqcaddu Shaah”, wuxuuna carrabka uu ku adkeeyay in Dawladda Turkigu ay ka go’an tahay iney Somaliyeed dhibka ka saaran horumarna gaarsiiyay haddii Alle Idmo maadama Somaliya ay tahay walaal naga lumay haddana aan soo helnay mana siin deyn doono Insha Allah ayuu yiri.

Waxaa kulanka ka hadlay guddomiyaha ururka OFROSOM Dr. Osoble iyo Guddomiyaha Jaaliyadda Denmarka Dr. Fiqi waxayna u mahad celiyeen Dawladda Turkiga iyo shacabkooda sida hargar la’aan ah oo ay u gargaareen Ummada Somaliyedd, taariikhduna xusi doontan abaalka uu Turkigu u galay Somaliya.

Ururka OFROSOM wuxuu ballan qaaday iney gacan ku siin doonaan mashaariicda horumarinta oo ay ka wadaan Somalia.

Ugu dambeyntii Guddomiyaha Arrimaha Diinta (Diyanete) Prof. Dr. Mehmet Gormez wuxuu casumaad u fideyay Ururka OFROSOM inay booqosho ku yimaadaan Dalka Turkiya si loo xoojiyo xiriirka wada shaqeynta Tyrkiga iyo ururka bulshada si horumarka la higsanayo loo gaaro.

Waxaa xusid mudan in Jaaliyadda Denmark is kastoo tiro ahaan ay yar yihin (70) masana mashaariic badan oo wax tar uleh deegaanka ayeey ka fuliyeen qaarna qayb weyn ku lahaayeen, waxaana ka mid ah: Mashruucii Dugsiga Sare ee Shacab, aqoonta Bandiiradley (Dhismo), Budbud (Dugsi), Ceeldibir (Dugsi&Isbitaal), Isbitaalka Weyn ee Galkacyo, X/Dhagaxley (Isbital), Xingod (Dugsi&Isbitaal), Ceelka Faarax Geedi, Ceelka Gelinsoor, aasaasidda Jaamacadda Mudug iyo Mashruuca Tababarka Umulusooyinka (10 tuulo ka kala yimid) oo bishan la bilaabay iyo kuwa kale oo badan. Ururka OFROSOM ee Jaaliyadda Denmark taarikhda Galmudug ayaa xusi doonta,

Maxamed c/laahi cali wardheere
Amiin4me@hotmail.com
Yemen-mukalla

Recent Comments

    Comments are closed