|

Gen, C/Qeybdiid: Waa mudan yahay Madaxweynaha Gal Mudug. Qalinka! Mustaf Hassan

Aragti-hobyonet)Waxaan ku Bilaabayaa Magaca ilaahay Mahadi oo Dhan Alle ayey u sugnaatay Nabadgalyana Nabigeena Muhamad Caleyhi Salatu Wasalam, Intaas Kadib Markii Ay soo dhowaatay doorashada Galmudug ayna soo baxeen musharaxiin badan ayaan Go,aansaday inaan fikirkeyga ku biiriyo waxaana u kala qaadi doono mid intii aan ka Awoodo waxaana ku bilaabanayaa musharaxa ugu horeeya Mudane Cabdi qeybdiid.

Waxaan aaminsanahay kuna kalsoonahay in Musharaxaha Madaxweynaha Galmudug State General Cabdi Hassan Cawale ( Qeybdiid) inuu mudan yahay in loo Doorto xilkaas sababaha aan u leeyahay waxaa ugu waaweyn inuu ka soo Dhalaali karo hawlaha xiriirka Caalamiga, xiriirka la xisaabtanka Dawladda Federaalka ah, inuu kaalin wanaagsan ka gali karo dib u heshii-siinta arrimaha Soomaaliya, ka qaybgalka shirarka Caalamiga ah, xasilinta iyo qorsheynta hufan ee Arrimaha maaliyadda ee aan waligeed talaabo loo qaadin, sugida amniga, dhisida Kaabayasha dhaqaale, dhisid ciidan IWM, qoraalkeyga waxaan ku bogaadinayaa Uguna hanbalyeynayaa iney timid musharaxnimadiisa xili muhiim u ah bulshada GALMUDUG STATE amase xiligii loo baahnaa ( Right Time).

Waxaan kaloo ugu hambalyeynayaa in uu ku tallaabsaday dib u sixidda iyo turxaan Bixinta nabadgelyada iyo midnimada GALMUDUG STATE intii uu usoo wareegay Deeganadaasi oo hore loo waayay, waxaana ugu baryaynaa in Allaah ku guuleeyo Hawshaas adag ee uu usoo diyaargaroobay kana mid ah nolosha iyo jiritaanka reer Galmudug.

Waxaan kaloo ku raja weynahay haduu alle idmo inuu ku guuleysan karo Xaqdhawrka iyo derisnimada, nabad kuwada noolaanshaha, barwaaqada iyo Walaaltinimada . Hana la wada ogaado in aanay cidna dan u ahayn in la soo faag-Faago fidno iyo belaayo mar hore la aasay.

Waxaan kale oo aan rajeynayaa inuu xal waara ka gaari arimaha garoonka Galkacayo, nabadgelyo buuxdana dhaqso loo gaaro. Cid kasta oo ehel hoose iyo Derisba ah haddii dhibaato adduun dhexmarto waxay heshiin karaan markay dhibta Jirta runta ka wada sheegaan,wax kasta oo dabka sii hurinayana ka wada hortagaan, Waxaana boogtu sii hurin kara markii kolkii been, faan, damac waalan iyo isla weyni la isku sheego, dhaxalkeeduna wuxuu markaas noqonayaa (KADAR OO DIBI DHAL) .

TALO SOO JEEDIN

Ø Waa kugula talineynaa Md General Qeybdiid Hadii aad ku guuleysatid Xilka Madaxweynaha Galmudug State inaad xoogga saarto in la qoro ilaa ugu yaraan 2.000 oo ciidammo Galmudug ah, dhaqsona loo tababaro, aadna loo qalabeeyo si ciidankaasi uga hawlgalo nabadgelyada deegaannada Galmudug oo dhan, lagana hortago nooc kastoo fidno ah, loona qorsheeyo dhaqaale dabooli kara baahidooda. Haddii ay suuragal tahay waxaan ku talin lahaa in ciidanka amniga ah ee la qorayo ay ahaadaan dhallinyaro nadiif ah, aqoon leh, laguna aamini karo amniga shacabka Galmudug.

Hadii aad ku guuleysato xilkan waa inaad xoojiso la xisaabtanka Dawladda Federaalka aadna u badiso talooyinka wax ku oolka ah ee loo gubiyo Soomaalida inteeda kale, islamarkaasna aad badisaan Adiga iyo Maamulka intiisa kale booqashooyinka caadiga iyo kuwa kediska ah ee aad ku maraysaan deegaannada Galmudug, dadkana aad loo wacyigeliyo, xaqiiqada iyo dhibaatooyinka jirana wax badan laga soo ogaado, waxqabad muuqdana loo diyaargaroobo, lana xoogeeyo wadatashiga iyo iskaashiga Maamulka iyo shacabkaba.

Ugu dambaystii waxaan ka codsanayaa Mudane General Cabdi Qeybdiid hadii aad ku guuleysatid Xilka Madaxweynanimo in dib loo akhriyo, dibna loo qiimeeyo nidaamka iyo shuruucda u dagsan GALMUDUG STATE si loo helo kala dambeyn dhinaca dastuuriga ah.

Wixii aan asiibay alle SWT ayey ka sugnaatay wixii aan qaldayna sheydan ayaa lahaaday qoraalkan cid uu si qaas u quseeyso ma jirto waxa u gaar ku yahay qoraaga.

Wabilahi Towfiiq

Mustaf Hassan Ahmed

London-UK

2 Comments for “Gen, C/Qeybdiid: Waa mudan yahay Madaxweynaha Gal Mudug. Qalinka! Mustaf Hassan”

  1. Salama Caleykum,
    PLease in the future try to bring a little profile of the candidates about their education or experience so people can decided. We need honestry person who loves his nation and people and not just to get rich.

  2. saxiib hadad kilik gareeyso musharaxa waad arkeeysa qaybdiid tariiikhdiisa.hal xidigle kuliyadii jaale siyad.long waayo aragnimo oo xasuuq umadda somaliyeed,kumanan dhalinyaro ah oo dagaaladii qabyaladeed uu hogaaminayay ku dhimatay/beesha sacad oo maanta ah dadka ugu liita soomali,dhaqaale waa tegay,sumcad warkeed daa.intan soomali kale la gaaarin habargidir nama arki karto.waxaasoo idil waa qaybdiid iyo caato tyo caaydid.caano daadatay dabadaa la qabtaa,waa in la helaa maskax cusub oo aan ahayn tii labatankii sano oo ugu danbeeysay.ahmed3652@hotmail waad mahadsan tihiin

Comments are closed