|

Dastuurka dad wareeriska ah iyo danaha ka dambeeya..! (Qalinkii Maxamed Xaaji)‏

Fikrado-hobyonet)CARAWEELO ama  ARAWEELO sida la sheego waxay la maqan tahay godobtii ragga oo ay DHUFAANI jirtey waloow ay ku baxday gacanta ninkii ay is tiri ”WAA DOQONE ISKA DAA” kaasoo ahaa ‘ODAY BIIQE’ lkn halkii ay howlmaalmeedkeeda ku qabsan jirtey oo lagu sheego meel ka mid ah buurta DAALO ayay ilaa maantadan dadku booqdaan iyadoo ay RAGU dhagxiyaan meeshii balse Waxaa CAJIIB ah in ay DUMARKU ubax dhigaan.
Su’aasha ay sheekadani madaxaaga markiiba gelinayso ee aan usoo ergaystey ayaa ah raga laba garayoo islaantani waa tii xaniinya bixin jirtee maxay dumarku uga dan leeyihiin inay ubax dhigaan..?
Ma raga unbay dhibtay baa..? Haa dabcan laakiin su’aasha kale ee kasoo dhex baxaysaa waxay noqonaysaa in raga la dhufaano dumarka maxay tahay danta ugu jirta..?    Jawaabtu way iska cadahay sidii cadceed duhur laakiin intaa u dhaafi maayoo dadkaan u daynayaa.

Dulucda hordhacaygan waxaan uga dan leeyahay wax layiri dastuur balse marka aad qaabkiisa eegtid aad moodid waraaqihii ay NGO’S-ku inta qortaan dhihi jireen waxaas iyo waxaasaanu qabanaa ee deeto loo saxeexi jirey.

Laakiin laba garay beesha faragelinta caalamka iyo iyo inta sandareertada eeganaysee qofka caadiga ah ee Soomaaliga ihi maxay tahay danta kasoo geleysa inuu u sacbiyo dastuur dalkiisii lagu aasayo..?
Ma ninka dastuurka wadaan isku hayb nahay baa..? Haa laakiin maxaa kaaga soo aruuraya marka uu adiga iyo booskii aad deganeydba dad qalaad ka iibiyo..?
Jawaabta idinkaan idinka dhowrayaa oo intaa u dhaafi mayo..!!!??

DASTUUR INTA AAN LAGAARIN MAXAA LOO BAAHAN YAHAY.?
1- Marka laga hadlo dastuur horta waa kii ALLE laakiin dadkii meel degani waxay u baahan yihiin heshiisyo iyo hab nololeedyo ay isku raacsan yihiin (Tusaale ahaan waqtiga la shaqeeynayo shiftigiiba) iyadoon laga gudbeeynin xuduudda shareecada islaamka oo iyadu aasaas u ah dhaqanka Soomaaliyeed.

2- Dastuur wuxuu u baahan yahay dal madax banaan, lehna xuduudo sugan oo ay dowlad qur ihi ka arimiso iyo ciidan ilaaliya, hadaba marka aad intaa oo dhan eegto waxaad ogaanaysaaa inaysan micna wayn sameeyneynin in dadka lagu yiraahdo KMG baa laga baxayaa aan gurigeediiba la goglin.

3- Dastuur wuxuu u baahan yahay inay qoraan dad aqoon u leh diinta islaamka, taariikhda dhaqan dhaqaale ee dalka iyo dadka ay wax u diyaarinayaan, xiriirada caalamiga ah iyo sida uu caalamku u wada shaqeeyo,  inay yihiin dad la isku hallayn karo mas’uuliyadooda iyo inay yihiin dad wadaniyiin ah oo aragti qaran leh.

4- Dastuur wuxuu u baahan yahay in marka la qoro qof qof loogu qaybiyo dhamaan dadka ku dhaqan dalkaas oo deeto inta aqriyaan kadib ’HAA’ iyo ’MAYA’ qalli ah kaga jawaabaya taasoo ku imanaysa dookhooda iyo sida ay danta caamka ah uga dhex arkaan.

KUMEEL GAARKA HALAGA GUDBO SI DALKA LOO GADO..!!
Waxa afka siyaasiyiintu ku bas beelay KMG baa laga baxayaa iyadoo aysan jirin maanta dowlad Soomaaliyeed oo dalka maamusha ama xitaa ugu yaraan hadalkeeda laga dhegeysto meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Kumeel gaar baa laga baxayaa oo qur ihi waxay u egtahay sidii qof cudur halisa qaba oo inta isbitaal tegey lagu yiri ’’Waad raysatay’’ ee reerkaaga dhoqo waayo dal kala qoqoban oo aan lahayn wax astaan dowladeed ah oo ay talada dalku ka go’do inuu dowlad macmal ah oo KUMEEL GAAR  ah lahaado iyo inuu mid RIGLI ah oo isla gacan ku rimiskii ah yeesho  wax farqi ihi gebi ahaanba uma dhexeeyaan.

Hal mid baa iisoo baxday markii aan hoos u dhugtey sababta ay dhegeheenna ugu soo noqnoqotay ’KUMEEL GAARKA HALAGA BOXO’ waana inay jiraan qaybo 3-aad oo ka dambeeya dastuurkan qoraalkiisa kuwaasoo ujeedkoodu yahay inay helaan ashkhaas mansab iyo maal doon ah (Tabcanayaal xaaraan ku naax ah) oo ay wax kasta ka saxeexdaan kadib marka uu dalku galo hab ’RIGLI’ ah laakiin runtii kaba sii liita sida uu maanta yahay.

YAY DANI UGU JIRTAA IN KUMEEL GAARKA LAGA BOXO..??
Marka aad isha qac ku siiso qaabka loo diyaariyay iyo duruufaha lagu diyaariyay dastuurka qabyada ah dadka qaar baa u gartay inaan horta duul dani ugu jirtaba aysan Soomaali dani ugu jirin iyagoo ku doodaya in aragtida ah in si dhaqso ah lagu ansixiyo ay lafteedu muujineyso jiritaanka wejig sogordahan oo wax ka hagaya daaha gadaashiisa (Dalal ajnabi ah).

Sidoo kale siyaasiyiinta ugu sareeysa dowladda qaar ayaa dhowr jeer si cad u yiri ’’MARNA MA AQBALAYNO IN DASTUURKA LA DIIDO’’ taasoo muujineysa in ama siyaasiyiinta laftoodu aysan fahamsaneyn in dastuur ansixintiis aysan ahayn wax dadka lagu khasbo iyo in iyagoo damac kale ilaalinaya ay doonayaan inay dadka qoor qabad ku cabsiiyaan waxaan dani ugu jirin.

Siyaasiyiin kale ayaa ku dooday inaysan dadku aqriyin dastuurka waana runoo dadku maba aqrinin waayo dowladu maba sameeynin qaabkii ay dadku ku aqrin lahaayeen inta isku daydayna idaacadaha ayay ka maqleen taasoo dhadhanka dastuurka kusoo koobaysa ’’DASTUURKII IDAACADAHA’’.

Siyaasiyiin kale ayaa si hinraag ka muuqdo u leh dalku MAXMIYAD buu gelayaa hadii aan dastuurka la ansixin waa yaabe halkee ayay abid ka dhacday dal MAXMIYAD loo geliyay dastuur ay dadkiisu diideen ama dibad baxa y dhigeen….Goormaase sharciyadaa lasoo rogey..?

DHAQAN IYO SIYAASAD MAXAA ISKU DHEEHAY..?
Dalka Soomaaliya oo lumiyay ku dhowaad dhamaan qiyamkiisii dhaqan kadib markii si wareer kujiro la iskugu walaaqay siyaasadii iyo dhaqankii ayaad moodaa inay mudadii ugu dambeysey mashruuc iska noqotay gaar ahaan wax aan u bixiyay ’’SULDAAN SIYAASI’’.

Waxaa dhowaanahanba soo baxayay dood ka taagneyd ’’ODAY DHAQAMEEDYADA’’ la yiri waxay soo xulayaan ergada ansixinaysa dastuurka qabyada ah oo lagu xamanayo inaysan runtii u badnayn oday dhaqameedyo sax ah balse ay yihiin niman ku ciyaara muusiga ay garaacaan siyaasiyiinta soo qortay iyaga.

Soomaalidu waxay tiraahdaa ’’Inta aan dhibqabe hadlin baa dheef qabe qayliyaaye’’ mid ka mid ah ragii la lahaa waa kuwa dabada ka riixaya qorshahan la fahmi la’yahay ee Road Map-ka Mahiga oo ah Faroole ayaa farta ugu yeeray oday dhaqameedyadii uu isagu soo dirsaday.

Taasoo ah mid ka marqaati kacday inaysan jirin dhaqan Soomaaliyeed oo siyaasiyiinta ka madax banaan taasoo nasiib darro ku ah dal ay dadkiisii colaadi kala daadisay oo u baahan dad fogaan arag ah oo ku fikira maskax fiyoow.

Waxay arintani igu dhalisay inaan ku fikiro in baahida loo qabo in dib u dhis lagu sameeyo habdhiskii ama haykalkii dhaqanka Soomaaliyeed uu maanta ka horeeyo kana muhiimsan yahay in siyaasadda lagu heshiiyo waayo dhaqan la’aani waa dhadhan la’aan, waa dhogor la’aan iyo hayb (Identity) la’aan.
Isku soo wada duuboo inta aan soo sheegay oo idil iyo in kaloo badanoo ALLE uun ogyahay waxay muujinayaan in waxyaabahan dalka lagu wareerinayo oo dhami ay yihiin weeysa-qaadka salaad aan maalinteedii la gaarin kuwaasoo kala ah:

1- Dastuur u sameeynta Dal aan cid maamushaa jirin oo ay dadkiisuna danta guud ka il duufsan yihiin iyagoo xeerinaya xarko ay niman danaystyaal ihi ku xirxirteen.

2- Wada xaajoodyada lagu baaqay ee ay DKMG ah ihi la geleyso maamulka Somaliland oo sida muuqda iskii u istaagey kadib markii la foowdeeyey (Waxaa Somaliland lala hadli karaa oo qura marka la helo nidaam kulmiya dhamaan koofurta).

3- In laga hadlo heshiisyo waawayn sida kuwa badda lagu iibin lahaa ee  Alle baabi’iyay.

Hadaba gunaanadkii Beesha Caalamka (Gumeystayaashii hore) iyo kooxaha diinta ku been abuuranaya oo noo jilaya (Caraweelo) iyo shacabkeena oo u kala qaybsan kuwii waxgaradka ahaa oo taladii loo diiday (Yacni la dhufaanay) iyo kuwii kale oo taagan sidii gabdhihii u sacbiyay Caraweeladii raga dhufaantay ayuu xalku taagan yahay ”Waa inaan helnaa Mr ’X’ oo noo jili doona ’ODAY BIIQE’ si dalka loo badbaadsho oo Caraweelo looga takhaluso.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

Recent Comments

    Comments are closed