Xaflad balaaran oo loo sameeyey kooxda kubadda cagta ee jamhuuriya +sawiro
Sports-hobyonet)Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay oo ka dhacday dagmada Yaaqshid ee gobolka Banaa
dir ayaa looga dhawaaqay dhalinyaro juun yar ah oo ay yeelaneyso kooxda Jamuuriya ee heerka sadaxaad ee Soomaliya ciyaarta
Xafladaan oo ay ka soo qeyb galeen maamulka dagmadaas odayaal dhaqameedyo dhalinyarada haweynka laguna soo bandhigauy ilaa 23dhalinyaro ah oo da’dooda u dhaxeyso 19-16 loona carbinaayo in ay ka mid noqdaan kooxda Jamuuriya ayaa ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay macalinka kooxdan da’da yar macalin Bashiir Max’ed Cumar oo sheegay in dhalinyaradaan ay qaataan tababar subax iyo galab ah isla markaana ay ku jiraan kuwo ay farsamadooda ay aad u heer sareeyso
Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha naadiga Jamuuriya Max’ed Cabdule Abukar {Taako} oo ku nuuxnuuxsaday ahmiyada ay leedahay in la sameeyo koox da’yar tababar wanaagsana lasiiyo si ay u badalaan kuwa kaga horeeya kooxda waxaana uu balan qaaday in uu sameyn doono koox kale oo kuwaan ka sii da’yar waxuuna isla goobta ku gudoonsiiyay qalab Sport oo dhameys tiran iyo lacag isagoona u balan qaaday in wax waliba oo baahidoon ah uu dabooli doono inta karankisa ah.ayna ciyaari doonaa ciyaaro saxiibtinimo ay la ciyaari doonaan qaar ka mid ah kooxaha heerarka kal duwan ee Soomaaliya
Qaar ka mid ah waalindiinta caruurta ayaa soo dhaweyay in tababar isboori la siiyo caruurtooda inta ay ku mashquulilahaayeen dagaalada iyo daroogooyinka kala duwan ay isticmaalaan dhalinyarada da’dooda oo kale ah
Ugu dambeyn dhawan ayaa la filayaa in uu bilowdo horiyaalada kala duwan ee Soomaaliya iyadoo xariirka Soomaliyeed ee kubada cagta ay kooxaha hoos yimaada ugu baaqay in ay sameeyaan koox juunyar ah oo hoos takta kooxaha waweyn isla markaana badal u noqon kara ciyaartooyda hada ciyaarta iyadoo kooxda Jamuuriya ay noqotay kooxdii ugu horeeysay ee ka jawabta baaqa ka soo yeeray xariirka kubada cagta Soomaliyeed.



WQ Caydiid C/raxmaan Aadan
ceydiidmilan@hotmail.com



Recent Comments