|

Wakiilka Guud ee Galmudug State ee Waqooyiga America Eng. Mohamud Duale Kahie oo kulan la qaatay, Ku xigeenka xoghayaha arrimaha Afrika ee dalka Mareykanka, Amb. Donald Yamamoto

Minneapolis-hobyonet
Wakiilka Guud ee Galmudug State ee Waqooyiga America Eng. Mohamud Duale Kahie Ayaa Magaalada Minneapolis,wada hadal gaara kula yeeshay wafdi uu hogaaminayey Ku xigeenka xoghayaha arrimaha Afrika ee dalka Mareykanka, Amb. Donald Yamamoto.

Wakiilku isagoo ku hadlaya magaca dowlad goboleedka Galmudug State iyo
magaca jaaliyadaha Galmudug ee waqooyiga America wuxuu gacmo furan
kusoo dhoweeyey Ku-xigeenka xoghayaha arrimaha Africa ee dalka
Mareykanka Amb. Donold Yamamoto iyo ninka u qaabilsan wasaaradda
arrimaha dibada ee Mareykanka miiska Soomaalida (Somalia Desk Officer)
Mr. Terrence Finneran, wuxuuna wakiilku wafdiga gaarsiiyey salaam
diiran uu ka wadey dowladda iyo shacabka Galmudug state dal iyo
dibadba.

Wafdiga ku-xigeenka xoghayaha arrimaha Africa ee dalka Mareykanka Amb.
Donlad Yamamoto iyo Wakiilka guud ee Galmudug Eng. Mohamud Duale
Kahie waxay wada hadalkoodii diirada ku saareen waqtiga kala guurka ah
ee dalku ku jiro iyo qeybta fir-fircoon ay dowlad goboleedka Galmudug
state ay ku leedahay arrimaha Heshiiska Qariidada Nabadda (Road map)
ee looga baxayo xiliga KMG, shirka odey dhaqameedyada uga socda
Muqdishu, Ansixinta Dastuurka, xulida xildhibaanada iyo doorashada
guud ee xubnaha dowladda ugu sarreeya.

Wakiilka guud ee Galmudug state ayaa si aad ah uga waramay in haba
yaraatee aysan shacabka Galmudug waxba ka soo gaarin laguna xaqiray
barnaamijkii dowladda Mareykanku ula baxdey “Dual Track Aproach” ee
loogu talo galay in dowladda Mareykanku ay deeq, dib-u-dhis iyo
kaalmaba gaarsiiso dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo deegaanada
ay nabbadu ka jirto wuxuuna wakiilku wafdiga u carab baabey in
deegaanada Galmudug state ay ka jirto nabad galyo la isku haleyn karo
oo lamida am ka wanaagsan dowlad goboleedyada ay dowladda Mareykanku
uga faa’ideeyeen habka ay ugu magac dareen “ Dual Track Approach”.

Wakiilku wuxuu wafdiga ka socdey wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka
Mareykanka u gudbiyey qoraal si aad ah looga soo shaqeeyey ee ka
tarjumayey sida beesha caalamka, UNKA, dowladdaha daneeya soomaaliya
iyo dowladda Mareykanku uga gaa’biyeen wax ka qabashada iyo
taakuleyntii ay ka filayeen shacabka iyo dowlad goboleedka galmudug
state.

Qoraalka uu wakiilku u gudbiyey dowladda Mareykanka wuxuu kaga
dalbadey codsi qeexayey dib- u-dhiska ilaha dhaqaale sida Dekadda iyo
Airopoorka caalamiga ah ee magaalda Hobyo.

Wadahadalkii wakiilka iyo ku-xigeenka arrimaha Africa ee dalka
Mareykanka Amb,Donald Yamamoto wuxuu ku dhamaadey jawi isafgarad iyo
wada shaqeyn joogto ah ee dhexmarta labada dhinac.

Danjire Donald Yamamoto wuxuu balan qaadey inuu codsiga iyo baahida Dowlad Goboleedka Galmudug State gaarsiiyo wasaarada Arrimaha dibada ee dalka
Mareykanka.

Gaban-gabadii wada hadalka kadib ayaa Wakiilku gacanta u galiyey
wafdigii dowladda Mareykanka warqad dacwad ah ee ka tarjumeysey
xaalufinta lagu hayo kheyraadka badda iyo ugaarta deeegaanada galmudug
ayna geysanayaan huwanta burcadda ah ee isku baheystey inay
xaalufiyaan kheyraadka badda iyo berriga Galmudug.

Waa Bilaahi Toowfiiq.

Www.hobyonet.com

Danjire Donald Yamamoto wuxuu balan qaadey inuu codsiga iyo baahida Dowlad Goboleedka Galmudug State gaarsiiyo wasaarada Arrimaha dibada ee dalka

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed