TAARIIKH NOLOLEEDKII MUSHARAXA MADAXWEYNAHA GALMUDUG SARREEYYE GAAS CABDI XASAN CAWAALE (QAYBDIID)
20-5-2012(hnet)Gen. Cabdi Xasan Cawale oo ku magac dheer Qaybdiid wuxuu ku dhashay Degmada Galkacyo ee gobolka Mudug sannadkii 1948
Waxbarashadiisii dugsiga quraanka wuxuu ku dhamaystay isla magaladaasi Galkacyo
1959-kii ilaa 1964-tii wuxuu Cabdi Qaybdiid ku jiray college-kiii Orfano Maschile (“Italian College) ” ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo dhamaystay waxbarshada Dugsiga hoose (fasalka 5-aad
1964 Cabdi Qaybdiid waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii loo qaatay Ciidammada XDS, wuxuuna tababar ciidan ku qaatay dugsigii la oran jiray Botiko, hadana loo yaqaan Xalane,1971-dii wuxuu qaatay Shahaada Dugsiga Dhexe ee Fasalka 8-aad ee Magaalada Baydhabo
1972–1974 wuxuu shahaadada dugsiga Sare ka qaatay British School College Nairobi, Kenya. (Correspondence). (Aqoon Dirsad)
1978 Ilaa 1979 wuxuu galay Kulliyaddi Ciidammada ee Jaalle Siyaad, isagoo qaatay darajada Xiddigle,ayadoo markii hore uu waqti dheer ahaa sarkaal xigeen, ka soo shaqeeyay dhammaan noocyada Ciidammada Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Janaayo 1980-1988 waxaa loo baddalay safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha gaar ahaan xaafiiska u Qaybsanaha Arrimaha Ciidammada (Miletary Attachee) oo uu Xoghayaha 2-aad Safaaradda ku shaqeynayay.
Jannaayo, 1989 dalka ayuu ku soo laabtay waxaana loo bedelay Hoggaanka Xariirka Dibadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Agoosto, 1989 wuxuu ka goostay dawladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre isagoo ah Gaashaanle Dhexe markii ay u cuntami weyday in uu iska sii joogo xaaladihii dalku markaas ku sugnaa awgeed, wuxuna ku biiray Saraakiil iyo Siyaasiinta Isbedel-doon ah oo mucaarad noqday dawladdana ka soo horjeestay,gaar ahaan garabkii Hubeysna ee USC,wuxuuna ka mid ahaa Aasaasayaashi Jabhaddii Dhaqdhaqaaqi Waddaniga Soomaaliyeed isagoo ahaa Taliye Ciidan Ilaa Dawladdii la riday sanadkii 1991-dii.
Julay 1991-dii Wuxuu xubin ka noqday Golihii Baarlamaanka USC Shirweynihii lagu qabtay magaalo madaxda Muqdisho laguna mideeyey Garbihii USC,Guddoomiyahana loogu dooortay Gen Maxamed Faarax Caydiid.
1991-dii, waxa uu ka mid noqday dawladdii Cali Mahdi ee Jabuuti lagu soo dhisay wuxuuna noqday Wasiirka Wasaarada -Gaadiidka Cirka iyo Dhukja ee Soomaaliya.
1992 ilaa 1994-tii waxa uu ahaa Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee maamulkii Ururkii USC/ SNA United Somali Congress iyo Somali national alliance.
1997 shirweynihii Qaahira ee lagu dhisay Mamulkii Gobolka Banaadir waxa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ..
2000 ilaa 2001dii wuxuu ka qaybgalay shirwaynihii nabadda ee Carte Jamhuuriyadda Jabuuti lagu qabtay, wuxuna noqday xubin kamid ah baarlamaankii Soomaaliya.
2001 Ilaa 2004 waxa uu noqday Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Banaadir ayadoo loona dallacsiiyay Gaashaanle Sare Islamarkaana wuxuu iska casilay xubinnimadii baarlamaanka Somaaliya.
2007- waxa loo magacaabay Taliyahii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed isagoo loo dalacsiiyay darajada Sarreeye Guuto.
2009-kii waxaa loo dallacsiiey darajada Sarreeye Gaas.
2009 ilaa 2010-kii wuxuu noqday Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Dawladda Federaalka.Kmg ah ,xilligaas oo ahayd mudadi uu xalliyey khilaafkii ka dhex jiray Mudanayaasha Maxamed Ahmed Caalin iyo Axmed Shariif Ali Hilowle Oo la isku qabsaday Madaxtinimada Dowlad gobaleedka Galmudug..
Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid muddadaas uu ku soo jiray hawlaha kala duwan wuxuu waxbarasho, aqoon kororsi, seminaaro, shirar caalamiya iyo shaqaba u tagay, dalalka kala ah: Talyaaniga, Sweden, Masar, Turkiga, Maleesiya, China, Singapore, Ukrain, Liibiya, Ethiopia, Kenya, Yugaanda ,Pakistaan,Qadar,UAE,Tanzania Jabuuti, iwm..
2011 ilaa 2012 Mudane Cabdi Qaybdiid, wuxuu safarro hawleed ku tegay Deegaanka Galmudug 7 jeer oo kala duwan,Safarradaas oo isugu jiray Isagoo ahaa xilliyadaas Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Dawladda Federaalka kmg ah iyo isagoo u tegay inuu caawiyo Maamul Goboleedka Galmudug,wuxuuna ka qabtay waxyaabo la taaban karo waxaana ka mid ah:
1.-Dhismaha Saldhigga Booliska Gaalkacyo, Tababarro 120 Askari oo UN-ku soo tababaray haddana mushaar ka qaata UNDP.
2.-U dirid tababar dibeddasaraakiil ka tirsan Booliska Galmudug. Xareynti iyo Tababariddii Ciidammada Miliishiyada iyo Hubkooda Galmudug oo markii u hoorreysay u suurtagalisay in ay wax yaabo badan qabsato noqotana Dawlad Goboleed laga aqoonsaday dalalka caalamka iyo Hay’adaha UN.
Luuqadaha:
Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid: Wuxuu si wanaagsan ugu hadlaa qoraana luqadaha kala ah: Soomaaliga iyo Ingiriiska,wuxuuna fahmaa luuqada Talyaaniga Shiinaha iyo carabiga
Ugu dambayntii Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), wuxuu oggolaaday in uu isku soo sharraxo Madaxweynanimada Maamul Goboleedka Galmudug markii qaybo badan oo bulshada Galmudug ka mida ah, ay ka codsadeen inuu xilkaas isku soo taago, iyagoo u arkaya in Cabdi Qaybdiid wax weyn iyo horumar ku soo kordhin karo maamulka iyo guud ahaan bulshada Galmudug iyo Soomaaliyaba.
www.hobyonet.com



xidigta xalane baan ka gartay,inta kale wa reer mudugaysay awoowe.libaax san ka taabte baad iloowday