Ururka Al-shabaab oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Yurkud
Muqdisho-hobyonet)Ururka Al-Shabaab ayaa waxay guulo ka sheegteen Dagaal Shalay ka dhacay Deegaanno hoostaga Gobolka Bakool.
Afhayeenka dhanka howlgallda Ururka Al-shabaab Sheekh Cabdul Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay lawareegeen Deegaanka Yurkud islamarkaana ay cagta mariyeen Fariisimada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay kulahayeen duleedka deegaankaasi.
Cabdul Casiis Abuu Muscab ayaa ka dhawaajiyay inay dagaalka khasaaro xoog leh ku gaarsiyeen Ciidamada Itoobiya ee dowladda Tageersan.
In ka badan 70 Askari oo Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay in ay ku dileen dagaalkii ka dhacay Degmada Yurkud.
Waxaa kale oo uu sheegay in ay hub aad badan oo noocyada Sham shuutarada, hoobiyeyaal ay ku jiraan ay ku qabsadeen Dagaalka kaddib markii Ciidamada Shabaab ay galeen gudaha degmadaasi Yurkud.
Ururka Al-Shabaab ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay manajirto wax war oo kasoo baxay Dhanka Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.



Recent Comments