|

Ciidmada Midowga Africa ee Soomaaliya oo sheegay in ay dileen saraakiil ka tirsan Al Shabaab

Muqdisho-hobyonet)War ay soo saareen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee Holgalka u jooga Soomaaliya ayaa waxa ay ku sheegeen in dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Magaalada Muwdisho ay ku dileen labo sargaal oo sida ay hadalka u dhigeen ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Wa ay sheegeen in labada sargaal lagu dilay xili ay marayeen meel u dhaw degamada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaas oo iyagoo gawari wata ay maryeen si ay AMISOM war saxaafadeedkeeda ku sheegeen.

AMISOM ayaa tilmaamtay in howgalkeeda ay ugu magacdartay Xureenta Shabelle ay hormaro badan ka gaareen islamarkaana ay uga goleeyihiin sida ay hadalka u dhigeen in nabad la siiyo in kabadan 400,000-qof oo ku nool deeganada loobarakacay ee duleeka Waqooyiga-Galbeed magaalada Muqdisho.

Warsaxaafeedka AMISOM ka soo baxay waxaa lagu xusay in ciidamadaasi aysan marnaba galidoonin goobaha ay dadka rayidka ay daganyihiin taabadalkeedana loogu baaqayo in guryahooda joogaan oo ay isxasiliyaan.

Geesta kale waxa ay AMISOM ugu baaqday dadka reer Afgooye in ay iska bixiyeen sida ay hadalka u dhigeen dadka ajaanibta ay ka barbar daalamaya Xarakada Shabaab islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii ay u helilahaayeen mid la mid ah amaanka Muqdisho.

Ugudanbeen AMISOM waxa ay sheegtay in homaro ay ku tilaabsanayso dhanka dagaalka ah waxana ay ugu baaqday dadka rayidka ah ka shaqeynta amaanka iyo xasiloonida.

 

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed