|

Dalka Masar oo looga dareeray doorashada madaxtinimo

Khaahira-Hobyonet)Dalka masar waxaa manta sitoosa loogu dareeray doorashada madaxtinimo taariikhda markii ugu horeysayWaxaana doorashadaan ay dheceysaa xilli dalkaasi wax madaxweene ah aanu laheyn tan iyo bishii febaury ee sanadii 2011kii markaas oo xilka uu kadagay madxweene mubaarak

Tirada musharixiinta kaqayb qaadaneysa doorashada maanta billaabatay ayaa gaareysa illaa 13 musharax iyadoo farta sigaara loogu fiiqayo in afar

kamida musharixiinta isu soo taagay  qabashada xilka madaxtinimo ee dalkaasi laga yaabo in mid kood uu kuguuleysto iyadoo laga tix raacayo tageerada baaxadda leh ay kudhexleeyihiin shacabka dalkaasi

Dad badan oo doonaya in ay cod kooda dhiibtaan ayaa buux dhaafiyay goobaha ay yaalaan sanaadiiqda codbixinada ee ladhigay qeybaha magaalooyinka dalkaasi

Doorashada ayaa waxaa codad kooda kadiiban doona illa  50 million iyo 407 kun oo cod bixiye ah kuwaas oo saakay aroortii ukala dareeray illaa 27 xarumood oo ay yaallaan sanaadiiqda codbixinnada iyadoona magaalada qaahira loo aqoonsaday xarunta ugu weyn ee dadka cod kooda kadhiibanayaan

doorashadaan ayaa qorshuhu yahay in lasoo gaba gabeeyo galinka danbe ee maalinta birito ah waxaana lasheegay in dib lisugu celin doono qaar kamida musharixiinta haddii aanu musharax katirsan tartamayaasha helin illaa 50% wadarta codadka dadweenaha.

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed