Xaalad degenaasho oo aan caga badan kutagneen oo laga dareemayo goobihii dagaaladu kadheceen
Muqdisho-Hobyonet)Xaaladda Goobihii dagaaladu ay kadheceen shalay ee duleedka magaalada muqdisho ayaa degan walow weli lamaqlayo Rasaas teel teel ah iyadoona saraakiisha dkmgSomaliaay markale sheegeen in ay siiwadayaan dagaalka tan iyo inta ay kagaarayaan degmada afgooye ee gobolka shabeelada hoose
Dhinaca kale barakac xoogan ayaa laga dareemayaa deeganada loobarakacay ee duleedka magaalada muqdisho iyadoo la’arkayo qoysas kusoo qulqulaya magaalada muqdisho oo is’heesta wadada xiriirisa degmada afgooye iyo magaalaada muqdisho
Waxaana weli muuqata saan saan dagaal oo udhexeysa labada dhinac taas oo suura gal kadhigeysa in markale halkaasi dhinacyadu isku farasaaraan iyadoona lasoo warinayo in ay muuqato abaabul labada dhinac ah oo gurmad uu kusoo kala gaarayo
Sidoo kale masuuliyiinta midowga Africa oo dowladda kmg garab kusiinaya dagaalka lagu qaaday fariisimayaasha al shabaab ee ay kulahaayeen degmada deyniile ayaa waxa ay ugu baaqeen dadka shacabka ee kudhuqan deeganada duleedka muqdisho in ay isdajiyaan islamarkaana ay sameyn doonaan xeelado ay kubad baadinayaan shacabka sida uu hadalka uyiri kuxigeenka wakiila simalia midowga Africa wufulu wumanyiyi oo muqdisho warbaahinta kula hadlay
Wixii warara oo kusoo kordha halka ay kudanbeeyaan dagaaladaasi waxaad kala socindoontaan bogga Hobyonet.com



Recent Comments