|

barakacii uga xooganaa oo laga dareemayo duleedka muqdisho

Muqdisho-hobyonet)Waxaa barakac xoogan laga dareemayaa deegaanada dhaca duleedka magaalada muqdisho kadib dagaaladii dhawaan ciidamada dkmg oo kaashanaya kuwa Amisom ay kuqaadeen duleedka magaalada muqdisho oo horay ay uga Ariminayeen Alshabaab

Waxaa saakay lagu’arkayaa qoysas aad ufarabadan oo alaabahooda banaanka usoo saaray wadada xiriiriso muqdisho iyo afgooye kuwaas oo isu diyaarinayio in ay dib ugu soo laabtaan magaalada mudisho oo horay ay uga barakaceen

Dadka qaar ayaa kusoo barakacaya Gaari dameero iyo gawaari kale oo aan kaaabi Karin barakacooda maadama aaney heysan dhaqaalo kasaacidi karo barakacooda

Dhinaca kale wadada xiriirisa muqdisho iyo afgooye ayaa isku socodkii gaadiidkii kahowlagalayay wadadaasi dib ugu soo laabtay kadib saacado ay xayirneed dhaq dhaqaaqa wadada iyadoona gaadiidka Rakaabka ugu badan ee maanata ay daabulayeen ay tahay shacabka kasoo firxanaya deegaanada duleedka muqdisho sida ceeelasha biyaha carbiska km13 iyo lafoole

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed