Iska hor’imaad udhexeeya ciidamo kawada tirsan DKMG oo kudhexmaray EX.ctr Af-gooye
Muqdisho-hobyonet)Iska hor imaad ciidamo ka wada tirsan dowladda u dhaxeeyay ayaa maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, iyadoo iska hor imaadkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka.
Wararka ayaa sheegaya in Iska hor imaadka uu ka dambeeyay markii Ciidamada Nabadsugida qori ka qaadeen Askari kale taasoo keentay in Ciidamadii uu ka tirsanaa ninkaas ay soo weeraraan kuwa Nabadsugida.
Iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhintay ilaa saddex askari, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo mudadii uu socday uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo ganacsiga Isgoyska Ex Koontarool.
Markii dambe ayaa waxaa iska hor imaadka soo dhex galay Saraakiil ka tirsan dowladda iyo Ciidamada AMISOM, oo ku guuleystay inay kala celiyaan labada ciidan.
Iska hor imaadkan maanta dhex maray Ciidamada dowladda ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii 3aad Howl gal wada jir u qaadeen Ciidanka AMISOM iyo kuwa dkmg ay ku qaadeen duleedka magaalada Muqdisho, iyagoo kula wareegay deegaano dhowr ah.



Recent Comments