wariye lagu dilay muqdisho
muqdisho-hobyonet)Inaa lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun, kooxo hubaysan oo Bastoolado ku hubeysan ayaa degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir waxa ay ku toogteen Axmed Cadow Canshuur oo ka mid ahaa wariyayaasha Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo ah idaacad maxalli ah oo kahowlgasha magaalada muqdisho.
Duhurnimadii maanta ayaa xaafadda suuq Boocle ee degmada Dharkeenlay kooxo hubaysan oo 4 ruux ahaa waxa ay xaafadaasi kudileen Alla ha u naxariistee Axmed cadow Canshuur.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay, waxaana wariye Axmed Cadow Canshuur uu ka mid ahaa wariyayaasha laf dhabarta u ah shabakadda Warbnaahinta Shabelle, waxaana si gaar ah uu ugu xil saarnaa Shabakadda Warbaahinta Shabelle Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle oo ah barnaamij siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaluda lagu wareysto.
Axmed cadow canshuur ayaa noqonaya muddo sanad gudihiisa wariyihii 3aad oo laga dilo shabkadda warbaahinta shabelle



Recent Comments