|

Cabdi warsame oo Somalia u metelayey ka qeybgalka tababar caalami ah + sawiro

Sports-hobyonet)Waxa dhawaan lagu qabtay Dalka Kenya Magaaldda madaxdiisa Nairoobi Tababar Caalami oo ay ka soo qeyb galeen Qabiiradda Ciyaaraha Fudud ee dalalka Afrikaanka ah,waxaana Tababarkaasi la qabtaa labadii sanoba mar,waxaana sanadkaan ka qeyb galay dawladaha kala ah Kenya,SouthAfrika,Ugaandha,Nijeeria,Tanzania,Zimbaabawe,Zambia,Malaawi,Maurituus,Eriteria,Sudaan,Ethiopia,Swizland,Liberia,Botswaana,Namibia,Seycheles,Siereleone,Ghana,Gambia iyo Somalia.

Tababarka noocaan ah oo ay qabanqaabiso IAAF waxa lagu tilmaaama in uu yahay kuwa ugu sareeyo oo lagu diyaarinaayo Khabiiro Cayaaraha Fudud oo u gaar ah Dawladaha Afrikaanka ah,madaama Afrika ay aad ugu wanagsantahay ka qeyb galka Ciyaaraha Fudud ee addunka isla markaana ay hore u soo hooyisay Biladdo Dahab ah,Qalin iyo maarba,waxaana daruus ka bixinaayey Khubaro ka socday IAAF oo kala ah MAALIK EL-HEBIL,GUNTER LANGE IYO IBRAAHIIM XUSEN,waxaana uu seminaarkaasi diiradda saaray ama si qoto dher ah looga hadlay qodobadaan :.

1)HORUMARINTA CIYAARAHA FUDUD EE AFRIKA.
2)ABUURID KHUBARO CIYAARAHA FUDUD OO AY AFRIKA YEELATO.
3)DHALAANKA SOO KORAAYO EE AFRIKA LAGU ABAABIYO C. FUDUD.

Waxa magaca Ummadda Soomaaliyeed uga qeyb galay Halyey Cabdi warsame Isaaq oo ka mid ah shaqsiyadka Soomaaliyeed oo magaca iyo maamuskaba ku leh ka qeyb galka Ciyaaraha gaar ahaan Ciyaaraha Fudud,Cabdi waxa uu ka mid ahaa Dhalinyaradii Degmadda Shibis oo uga qeyb galay Ciyaaraha Fudud,isagoo Degmadaasi u soo hooyiyay Guul aad u weyneyd,

waxaana uu u gudbay in uu ka qeyb galo Tartankii Goboladda isagoo u Ciyaaray Gobolka Benaadir kadib waxa uu u gudbay Naadigii Wakaaladda Ganacsiga oo uu saaxiibadii iyo isaga ay ku guuleysteen Bilado oo ay illa hadda Taarikhda xusuusato,Cabdi Warsame waxa loo magacaabay in uu Xubin ka noqdo Xulka Qaranka Soomaaliyeed ka dib markii uu muujiyey dadaal aad iyo aad loogu riyaaqay,waxaana uu ka mid ahaa Halyeeyadiimagaca Ummadda Soomaaliyeed uga qeyb galay Tartankii Olimpigadda Soomaaliyee,haddanna waxa uu Gudoomiye u yahay Guddiga lagu magacaabo

SOMALI ATHLETIC ASSOCIATION oo ay ka mid yihiin halyeeyo Ciyaaraha Fududmagac ku leh,waxayna diiradda saareen in la unko Ciyaartoy ku wanagsan Ciyaaraha Fudud.

Mudane Cabdi warsame oo ahaa Kabiirka ka socday Ummadda Soomaaliyeed waxa uu ka muujiye Tababarkaasi Firfircooni aan la qiyaasi karin,isagoo ahaa kuwa markastaba Mitaalka lagu bixiyo,waayo Mudane Cabdi warsame waxa uu ahaa kan keli ah oo marka Farsamadda la bixinaayo isaga u soo bandhigaayey,waxa kaloo uu aad iyo aad ugu wanagsanyahay xagga Macluumaadka guud ee Ciyaaraha Guud ahaan gaar ahaan Ciyaaraha Fudud waayo waxa uu Shahaado hore uga qaatay
Hay’ad ka mid ah ah kuwa ugu horeeyo oo carbiyo kaadiriinta Isboortiga ee USA oo ka dhisan Magaaladda Atlanta,taa oo u saamaxday in uu maanta ka mid yahay tababarayaasha wax ka leyliyo Dugsiyadda Magaaladda NASHVILLE EE GOBOLKA tennesse,

waxaana Mudane Cabdi Warsame tababarkaasi lagu gudoonsiiyey shahaado u saamaxeysa in uu daruus ka bixin karo tababar kasto oo Qaaradda Afrika lagu qabanaayo,taa oo runtii sharaf u ah Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bahweynta Isboortiga.

Ugu dambeynti Mudane Cabdi Warsame waxa uu la dardaarmay Waalidiinta
Soomaaliyeed in ay naga aqbalaan in aan Caruurtooda ku barbaarino ka qeyb galka Ciyaaraha fudud oo ah nooc Ciyaareed oo aan maanta guul ka soo hoyin karno,waxaana uu akhiritaankii u mahadceliyey Asxaabta ay Guddiga wada yihiin oo u sahlay ka qeyb galka Tababarkaasi.

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed