Ciidamada Isbahaystey oo la wareegey afgooye iyo gaadiidka oo qiimihiisu cirka galay
Afgooye-hobyonet)Sida ay noo xaqiiyeen dadka ku sugan magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose ciidmada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midowga Africa ayaa la wareegay magaaladaasi ka dib markii ciidamadii Xarakada Al Shabab ee halkaasi gacanta ku hayay ay faarujiyeen.
Goobjoogayaashu waxa ay intaasi ku dareeyn in maagalada inta aanu ciidamada is garabsanaya soo galin la maqlayay dhawr madfac oo ku dhaycay beero ku yaala magaaladaasi inkasoo aysan sheegeen qasaaro ka dhashay maadaafiicda.
Ciidmada magaalada Afgooye galay ee AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ayaa waxaa la tilmaamay in maagaalada ay fariisimo ka sameeysteen islamarkaana ay wadaan in ay isku fidiyaan magaalada oo dhan.
Majiraan wax dagaal ah oo ka dhacay magaalada,maanta iyadoo xaley waxoogaa rasaas laga maqlayey gudaha magaalada.
Dadka reer Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in ay dareemayaan cabsi badan oo la xiriirta in ciidmada howlgalo ay halkaasi ka sameeyaan islamar ahaantaana ay ku soo qab qabtaan dad aan Shabaab ka tirsanayn.
Majiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dowladda KMG ah, AMISOM iyo Al Shabaab oo waqtiyadii ugu danbeeyay magaaladaasi gacanta ku hayay.
Howlgalka AMISOM ay ugu macdartay xureenta Shabelle ayaa maalmo ka hor ka bilaawday duleedka Waqooy-Galbeed Magaalada Muqdisho kaasi oo ay uga goleeyihiin sida ay sheegeen in ay Xarakada Al Shabaab ka qabsadaan deeganada ay kaga sugan yihiin Gobolka Sh/hoose.
Gaadiidka ka shaqeeyay inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa baryihii u danbeeyay isna laga dareemayay sare kac baahasan iyadoo halkii ruux ee ka soo taga deegaanada duleka ah ee doonaya Muqdisho uu ku soo raacayo gaadiida dad weynuhu raacaan qiimo lacageed oo gaaraya 100-oo shilinka Soomaaliga ah.



Recent Comments