Dhegabadan” Allah ayaa mahad weeyn iska leh waanu jebiney Shabaab ilaa Wanleweyn inagaa joogna”
Muqdisho-hobyonet)General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan” ayaa wuxuu galabta uu shaaca ka qaaday inay gaareyn ilaa qeybo ka mid ah Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dhinaca kalana uu sheegay in Xoogaga Shabaab ay isu uruursanayaan Deegaanka Nambar Konton ee duleedka Degmada Afgooye.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, oo galabta wareysi gaar ah siiyay Idaacada VOA-da laanteeda afka Somaliga, ayaa wuxuu sheegay inay si wanaagsan uga adkaadeen Al Shabaab.
“Ilaahay baa Mahad iska leh, Ilaahay baa Mahad iska leh, waxaa Mahad leh Ilaahayga Hogaaminta Wanaagsan, waxaan la-wareegnay Degmada Afgooye, ilaa waxaan gaarnay Degmada Wanlaweyn oo aanu si sahmis ahaan u tagnay, waana ka soo laabanay” ayuu yiri General Dhaga Badan.
“Ciidamadayada waxay daafac kaga jiraan Degmada Afgooye oo ay ammaanka ka suggaan, goob kasta ma-tageyno ee waxaanu tageynaa goob kasta oo ay jooggaan jid iyo jihadiidka” ayuu sii raaciyya General Dhaga Badan.
Mar la-weydiiyay goobaha ay taggi doonaan ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka baxsan, ayaa wuxuu sheegay inay taggi doonaan ilaa Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Baladweyne, isla-markaana wuxuu sheegay inay Shabaab ka saari doonaan dalka oo dhan.
“Waxaan tageynaa ilaa Baydhabo, ilaa Kismaayo, ilaa Jowhar ilaa Baladweyne” ayuu sii raaciyay General Dhaga Badan, oo ku goodiyay inay Xarakada Al Shabaab ka saari doonaan dalka Soomaaliya oo dhan, sida uu yiri.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, ayaa wuxuu sheegay in qorshaha ay ku weerareyn Gobolka Shabeellaha Hoose uu ahaa mid wanaagsan, isagoona taasi Alle kaga mahad-celiyay
www.hobyonet.com



Recent Comments