|

Ciidamada AMISOM iyo Dkmg oo warbaahinta Muqdisho geeyay Afgooye

Kadib markii maant taliska ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada muqdisho uu geeyay tiro suxufiyiin ah ayaa waxa ay soo bandhigeen meelo muhiim ah oo kamida degmada afgooye oo dhawaan ay kala wareegeen xarakada alshabaab

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo warbaahinta kula hadlay degmada afgooye ayaa waxa ay sheegeen in Afgooye ay kamidaheed meelaha istaraatiijiga u’ahaa alshabaab oo soo galay gacanta ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo DKMG

Taliyaha ciidamada Burundi ee kusugan Somalia oo warbaahinta kula hadlay degmada afgooye ayaa waxa uu sheegay in alshabaab lagala wareegay dhul istaraatiiji ah oo amisom usahli karta in ay sifudud kugaarto deegaanada iyo degmooyinka ay al shabaab gacanta kuhayaan

Sidoo kale waxaa halkaasi kahadlay abaanduulaha ciidamada xooga dalka soomaliyeed General C/kariin yuusuf aadan dhega badan kaasi oo isna sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gaareen horumar lataaban karo ayna qabsadeen dhul istiraatiiji u’ahaa alshabaab

Maalmo ka hore ayeey eheed markii ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay lawareegeen gacan kuheynta deegano dhaca duleedka magaalada muqdisho kana tirsan gobolka sh/hoose oo ay kujirto degmada Afgooye ee iyadu maanta saraakiisha AMISOM geeyeen saxafiyiinta kahowl gala magaalada muqdisho.

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed