|

Madaxweyne shariif oo kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa

Johannesburg-hobyonet)madaxweynaha Dkmg Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weyhliyey Ra’isulwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayadoo Jaaliyadduna ay Madaxweynaha usoo gudbiyeen waxyaabo badan oo ay ugu horeeyaan dhibaatooyinka soo wajaha sidii wax looga qaban lahaa.

Mudane Xuseen Carab Ciise Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn ugu bishaareeyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika guulaha ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMSIOM kasoo hooyeen howlgalladii maalmahan ka socday duleedka Muqdisho taasi oo Wasiirku uu Ciidammada wadajir ugu hambalyeeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika warbixin ka siiyey xaalada dalka halka ay mareyso gaar ahaan guullaha ay Dowladdu gaartay ee dhinacyada Ammaanka iyo Siyaasadda.

“Koonfur Afrika ganacsatada ugu badan oo Soomaaliyeed ayaa ku nool ee qurbaha degan hadana waxaa loo baahanyahay inaad ogaataan mas’uuliyadda idinka saaran dalkiina iyo dadkiina”ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa guud ahaanba kusoo gebageboobay jawi wanaagsan ayadoo Jaaliyaduna ay aad ugu riyaaqeen sida uu Madaxweynaha Kulankooda ugasoo qeybgalay islamarkaana uu xaalada dalka ugu warbixiyay

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed