Tababare Guardiolla oo sheegey inay farxad u tahay in Chelsea ay isaga dooneyso
Sports-hobyonet)Tababaraha shaqada Barcelona iska casiley ee Pep Guardiola ayaa sheegey inuu si weeyn ugu faraxsan yahay inay soo dalbadaan kooxo dhowr oo qaaradda yurub ka dhisan gaar ahaan Chelsea oo dhowaan qaadey Champions League.
Guardiola ayaa xusey inuu tixgelin gaar ah u hayo shaqada uu ugu yaboohayo milkiilaha Chelsea Roman abramovic, suurta galna ay tahay inuu qabto shaqadaasi,laakiin xiligaan uu aad u daalan yahay oo uu nasiino weyn rabo.
“Haa waan tixgelinayaa Roman Abramovic dalabkiisa uu igu doonayo inaan Chelsea hogaamiyo, laakiin xiligaan waan daalay waana aqbali doonaa codsigiisa mana garanayo waqtiga ay qaadan doonto”ayuu raaciyey 41-sano jirka reer Spain.
Hadalkaan ayaa waxaa uu dhabar jab ku noqonayaa Milkiilaha Ruushka u dhashey oo cadeeyey sida uusan ugu qanacsanayn in xagaaga danbe uu kooxda leyliyo ninka reer talyaani ee De matteo kaasi oo koobka horyaalda yurub iyo FA u qaadan Blues markii si KMG ah xilkaasi kala wareegey AVB.
Macalin Pep Guardiola ayaa taariikh u dhigey kooxka Barcelona markii 4 sano oo uu leylinayey uu qaadey 14-koob oo uu ugu danbeeyey kii Copa Dell Rey oo xaley Atletico Bilbao 3-0 uga qaadeen.
www.hobyonet.com



Recent Comments