|

Tababare Luis Van Gaal oo aqbaley inuu Liverpool kusoo biiro

Sports-hobyonet)Ninka caanka ka ah qaaradda yurub iyo dalka Netherland LOUIS VAN GAAL ayaa sheegey inuu todobaadka soo socda kusoo wajahan yahay garoonka Unfield ee kooxda Liverpool si halkaasi shaqo uga bilaabo.

Ninka Dutch u dhashey Van Gaal ayaa aqbalay dalab ay maalmahanba ku doonayeen Milikilayaasha iska leh kooxda Liverpool ee dalka mareykanka au dhalatay, waxaana uu xusey in Reds ay tahay naadi facweyn oo magac ku leh kubadda cagta qaaradda yurub.

Milkilayaasha Liverpool ayaa 60-sano jirkaasi Holand u doonaya inuu noqdo sporting director’waxaase la aaminsan yahay inuu sidoo kale noqon doono tababara naadiga Liverpool leyliya.

Milkiilaha kooxda Wigan Dave Whelan ayaa sheegey in wadahadalo ay Liverpool kula jirtey tababe Roberto Martinez uu hakad ku yimid taasi oo lagu doonayey inuu bedelo tababrihii la eryey ee Dalglish.

Si kstaba tababarihii hore ee kooxda Barcelona iyo xulka Netherlands Luis Van Gaal ayaan la ogeeyn inuu ku ekaan doono Sporting Director ama inuu isku qaban doono labada xil.

By. zaciimka

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed