Ma’suuliyiinta Maamulka Galmudug oo Tacsi u diray Eheladii uu ka geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax
My,28,2012,Gaalkacyo-hobyonet)Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug Axmed Maxmuud Xasan(Axmed baasto) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dhamaan Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ay Tacsi u dirayaan Eheladii uu ka geriyooday Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo Habeen hore Shil gaari ku geeriyooday inta u dhaxaysa Dagaari iyo Magaalada Gaalkacyo.
Axmed Baasto waxa uu tilmaamay in Sheekh Cumar uu ka mid ahaa Culimada sida weyn looga qadariyo Gudaha Dalka Soomaaliya,wuxuuna ilaah uga baryay inuu Naxariistii janno siiyo eheladiisiina uu samir iyo Iimaan ka siiyo.
Sheekh Cumar Sheekh Maxmed Faarax oo ka tirsanaa Madaxda Ahlu Sunna waljameeca ayaa shalay galinkii hore waxaa lagu aasay Qabuuraha Magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay ka soo qayb galeen Boqolaal dad ah oo iskugu jira Culuma’udiinka Ahlu Sunna waljameeca iyo mas’uuliyiin kale.
Www.hobyonet.com



Recent Comments