|

Madaxweyne Caalin oo sheegay in Khilaafka Galmudug ay ka danbeeyaan Gacmo Shisheeye

29,May,2012

Gaalkacyo-hobyonet)Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Col,Maxamed Axmed Caalin oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia oo la hadlay warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in Khilaafka ka dhex jira Maamulka Galmudug inay ka danbeeyaan gacmo shisheeye oo aan oo aan doonayn jiritaanka Maamulka Galmudug State.

Madaxweyne Caalin waxa uu ku dooday in Madaxda kale ee Maamulka Galmudug ee ay kala fakar duwan yihiin ay dhabarka ka soo riixayaan Dad dano gaar ah wata oo u shaqeeya Gacmo shisheeye waa sida uu hadalka u dhigaye

Maxamed Axmed Caalin Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale markii ugu horaysay ka hadlay waqtiga Xukumadiisu ay Xilka ka dagayso,wuxuuna tilmaamay in bilawga Sanadka 2013 Xukumadiisa waqtigeedu ku egyahay islamarkaana wixii ka horeeya waqtigaas ay sii shaqayn doonaan.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Caalin ayaa ugu baaqay Qayabaha Bulshada ee Galmudug inay ka shaqeeyaan dantooda islamarkaana ay iska ilaaliyaan dadka doonaya inay ka dhex dhaliyaan Khilaaf iyo Dhibaato.

Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa isku khilaafsan waqtiga ay Doorashada madaxtinimo ay dhacayso,waxaana Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug,Madaxweyne ku xigeenka xubno ka tirsan Wasiirada,Baarlamanka,odayaasha Dhaqanka ay qabaan in Bisha August ay dhici doonto Doorashada Madaxtinimo halka Madaxweynaha,Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka,xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ay ku doodayaan in Odyaasha dhaqanka ay 2010kii u kordhiyeen Sadex sano oo ku eg bisha Febraayo 2013.

Www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed