|

Koooxo hubeysan oo Nin rayida kudilay D.wadajir

Muqdisho-hobyonet)Xalay ayaa Kooxo hubaysan waxa ay Xaafadda Nasteexo degmada Wadajir ku toogteen nin la sheegay in uu ka mid ahaa dadka deegaanka ah xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Xaafaddaasi.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cismaan Cali Makaraan ( Xaaji Baarixi) , waxaana la sheegay in uu ahaa nin si wayn looga yaqaanay gudaha Xaafaddaasi, iyadoo dilkiisana cabsi badan ay ku beertay dadka shacabka ah ee ku sugan halkaasi

Kooxaha ayaa markii ay toogteen Marxuum Cismaan Cali Makaraan ( Xaaji Baarixi) waxa ay isaga baxsadeen goobtaasi, iyadoo intaasi kaddib halkaasi ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah oo rasaas dhinacyada u ridayay islamarkaana sameynayay baaritaanno xooggan.

Dilkaani ayaa waxa uu qeyb ka yahay dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho kaasi oo inta badan loo geysto dad shacab ah oo ku sugan qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed