|

Qarax qasaare Nafeed gaystay oo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo

30,May,2012

Gaalkacyo-hobyonet)Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland, halkaasi oo ay ku dhinteen in badan Shan ruux oo ishu jira ciidammada ammaanka iyo dad kale.
Qaraxa ayaa ahaan nooca Miinada dhulka lagu aaso, kaasi oo ka dhacay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana qaraxaasi ku geeriyootay illaa siddeed qof oo ay lix ka mid ah yihiin ciidammada ammaanka maamulka Puntland.
Qaraxa ayaa la sheegay in Laba nin ay dhulka ku aaseen, iyadoo mid ka mid ahna ay toogteen ciidammada ammaanka, halka ruux kale uu baxsaday,.

Dhinaca kale ciidammada ammaanka Puntland ayaa isla markiiba howlgallo ka billaabay xaafadda Garsoor, iyadoo aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo halkaasi ka jira.
Wixii ku soo kordha kala soco hobyonet
Www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed