|

Dalxiisayaal Mareekana oo lagu afduubtay Masar

Qaahira-hobyonet)ilaha amniga dalka masar ayaa sheegay in ay soo gaartay warar sheegaya in dalxiisayaal dhalasha ahaan kasoo jeeda dalka mareekanka laga afduubtay magaalada Nuuyabci ee dalkaasi

Afduubka ayaa waxaa geestay kooxa aan heebtooda la’aqoon iyadoo wararka ay intaa kudarayaan in dalxiisayaasha lagala dagay gaari yar kaas oo kasoo kaxayay hodheel helton lagu magacaabo oo kuyaalla isla magaalada

hey’adaha amaanka dalka masar ayaa sheegaya in afduubka uu dhacay xalay illaa hadana majirto warbixino muujinaya halka ay uladhaqaaqeen kooxaha afduubtay dalxiisayaashaasi

waxaana dhacadadaani ay imaaneysa xilli maalmahii lasoo dhaafay uu kadhex jiray muran buliiska iyo dadka reer miyiga ee degan deegaanka afduubku uu kadhacay kadib buliisku markii ay xabsiga dhigeen nin kaganacsada walxaha maanka dooriya taas oo ay isu soo bax cara leh ay kasameeyeen ehelladiisa .

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed