|

Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee uu yeelanayo Dugsiga Sare ee S.Y.L

31,May,2012
Gaalkacyo-hobyonet)Wasiirka Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal ayaa Maanta dhagax dhigay Dhisme cusub oo uu yeelanayo Dugsiga Sare ee s.y.l

Munaasabadda Dhagax dhigga oo ka dhacday halka laga dhisayo Dugsiga Sare ee s.y.l ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug,Madaxda Jimciyada Al Ixsaan,Arday,Waalidiin iyo Dad aad u badan,waxaana ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Jimciyadda Al Ixsaan Sheekh Muxiyadiin Yuusuf Barre oo ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray Dugsiga Sare ee s.y.l isagoo uga mahad celiyay qofkasta oo ka qayb qaatay sidii Dugsigu meel wanaagsan u gaari lahaa,wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay Waalidiinta iyo Ardayda Dugsiga s.y.l kuwaas oo uu sheegay inay door wanaagsan ka qaateen sidii ay ula shaqayn lahaayeen Maamulka iyo macalimiinta Dugsiga.

Sheekh Muxiyadiin Yuusuf Barre ayaa sheegay in Dhismaha Cusub ee Iskuulku yeelanayo ay lacagta ku baxaysa inteeda badan ay dhiibayaan Ardaydii ka qalin jabisay Dugsiga Sare ee s.y.l kuwaas oo uu sheegay inay tiradoodu gaarayso 239 Arday.

Waxaa kale oo uu amaanay Ardayda ka qalin jabisay Dugsiga Sare ee s.y.l in markasta ay kaalin muuqata ka qaadan jireen hormarka deegaanka iyo midka iskuulka,isagoo ku tilmaamay Ardaydaas inay yihiin doonaya in Gobalka ay ka soo abxaan Arday Aqoontoodu heer fiican gaarsiisan tahay.

Sheekh Muxiyadiin ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Maamulka iyo Jaaliyadda Galmudug ee ku nool dalalka Caalamka inay ka qayb qaataan Dhismaha Dugsiga Sare ee s.y.l kaas oo haatan ay ka dhiman tahay qayb ka mid ah lacagtii lagu dhisi lahaa,wuxuuna tilmaamay in la doonayo in la soo gabagabeeyo Dhismaha Dugsiga labada bilood ee Fasaxa ay ku maqan yihiin Ardayda iskuulka waxkabarata.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamuud Guure Guuleed oo isna halkaas ka ahdlay ayaa uga mahad celiyay Maamulka Dugsiga Sare ee s.y.l shaqada wanaagsan ee ay Bulshada u hayaan,wuxuuna qaybaha Bulshada iyo Hay’adaha qaabilsan Waxbarashada ugu baaqay inay ka qayb qaataan sidii loo dhisi lahaa Dugsiga oo haatan dhismihiisu bilawday.

Mid ka mid ah Ardaydii ku sugnaa halka ay ka dhacaysay dhagax dhigga Dugsiga ayaa sheegay in dugsiga Sare ee s.y.l uu yahay iskuulkii ay ka qalin jabiyeen Ardaydii ugu badnayd ee ka qalin jabisa Dugsi ku yaala Deegaanada Maamulka galmudug kuwaas oo intooda badan ay wax ka bartaan Jaamacadaha dalka gudihiisa iyo dibadiisa,wuxuuna ugu baaqay qofkasta oo jecel hormarka Waxbarashada inuu ka qayb qaato dhamaystirka Dhismaha Isdkuulka.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo dhagixii ugu horeeyay dhigay Dhismaha Dugsiga ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn islamarkaana ay tahay guul u soo hoyatay Bahda Waxbarashada Gobalka Mudug,wxuuna Wasiirku sheegay in Reer Galmudug ay caan ku yihiin iskaa wax u qabso horayna ay ugu soo dhiseen Dugsiyo ay ka mid yihiin Dugsiga Caliguula iyo kuwo kale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada ay dhinaceeda ka qayb qaadan doonto sidii loo dhamayn lahaa Dhismaha Cusub,isagoo ugu baaqay Hay’adaha qaabilsan hormarinta Waxbarashada iyo jaaliyadda Dibadda inay ka qayb qaataan sidii Dugsiga waqtiga loogu talagalay loo gabagabeyn lahaa.

Dugsiga Sare ee s.y.l ayaa ka mid ahaa Dugsiyadii ugu horeeyay ee secondary ah ee laga hirgaliyo Deegaanada Galmudug,waxaana ka qalin jabisay mudadii uu furnaa Ardaydii ugu badanay ee Dugsi Sare ka qalin jabisay kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 239 Arday,waxaana mudadaas Dugsigu uu ku jiray guryo kiro ah iyo Xarumo Waxbarasho oo uu daganaa qaybo ka mid ah waxaa ka mid ahaa Xarumihii uu dagay, Dugsiga H/dhexe ee C/laahi Ciise, Xarunta Xaafadda Calanley,Xarunta Dugsiga gabdhaha ee Horseed iyo xarumo kale oo kiro ah.

Waxaana tilaabada maanta lagu dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee uu yeelanayo Dugsiga s.y.l ay noqonaysaa arin wanaagsan oo dhinaca hormarka ah oo ay qaadeen Maamulka Dugsiga iyo Ardayda waxkabarata.

Burhaan C/laahi Xaashi
burhaan712@hotmail.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed