|

Ahlu Sunna oo sheegtay inay soo dhoweeyeen dagaalyahano shabaabka kasoo goostey

Gedo-hobyonet)Dagaal-yahano fara-badan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta isu soo dhiibeen Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in raggaasi loo-balan qaaday lacago.

Raggaan oo tiradoodu lagu sheegay ilaa 20 nin oo watay gaari nooca dagaalada ee Cabdi Billaha loo-yaqaano, ayaa waxay maanta isu soo dhiibeen Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee joogga Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Waxay raggaan ka soo goosteen ciidamo Xarakada Al Shabaab ka tirsan oo ku sugan inta u dhaxeyso Magaalada Garbahaarey iyo Balad Xaawo, isla-markaana waxaa jiray dadaalo la-xiriira sidii ay ugu soo biiri lahaayeen dhinaca Dowladda.

Gudoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Rashiid Xasan Janan, ayaa wuxuu raggaan uu u balan qaaday in uu siin doono lacago dhan labaatan kun oo dollarka Maraykanka ah ($20,000US”, haddii ay ku soo biiraan dhinaca Dowladda, loona qiimeyn doono hub walba oo ay wataan.

Marka laga soo taggo gaarigii ay raggaan la-soo baxsadeen ayaa waxay kaloo wateen seddex ka mid ah qoryaha BKM-ka loo-yaqaano ama Daba-jeexa, sida uu Saxaafadda uu u sheegay Afhayeenka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq “Al Qaadi”.

maaha markii ugu horeeysey oo ciidamo la sheegey inay ka tirsanaayeen xarakada al-shabaab ee dagaalada kula jirta Ciidamada DKMG,Ahlu Sunna iyo ciidamada Shisheeye ay isku soo dhiibaan DKMG.

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed