|

DKMG oo Maxkamad ka furatey deegaanka Ceelasha biyaha oo dhowaan al-shabaab ay kala wareegeen

Sh/hoose-hobyonet)Maxamkadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta waxaa si rasmi ah looga hirgaliyey Degaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Wasiirudowlaha wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kormeeray deegaannada Ceelasha Biyaha, Calamada, iyo deegaano kale oo dhawaan laga saaray ururka Al-Shabaab.

Ujeedada Masuuliyiintaan u gareen deegaannadii dhawaan laga saaray Al-Shabaab ayaa ahayd siddii looga warhayn lahaa xaaladda dadka deegaannadaasi ay ku nool yihiin iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa waxa uu deegaanka Ceelasha biyaha kaga dhawaaqay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo lagu Maxkamadeynayo Askarta dhibaataysa shacabka ku dhaqan deegaankaasi iyo dagaalyahannada kasoo goosata Al-Shabaab sida uu sheegay.

Deegaannada maanta ay gaareen Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo wasiiru dowlaha Gashaandhigga Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa KM 13 iyo Farumaha dagaalka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda ee ku yaal Shabeelaha hoose.

Muungaab ayaa sheegay in Maxkamadda maanta laga furay deegaanka Ceelasha biyaha sidoo kale lagu Maxkamadayn doono dadka falal amni darada ka geysnaya deegaannadii dhawaan Al-Shabaab ay kala wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Muungaab ayaa horay sidaan oo kale Maxkamado kaga furay Degmooyin laga qabsaday Al-Shabaab, waxaana arrintaan ay kusoo aadaysaa iyadoo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida aan waali laga furin degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose inkastoo Magaalada Baydhabo laga hirgaliyey Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed